Ciidamo Ethiopia iyo kuwa Soomaali ah oo soo galay deegaano ka tirsan gobalka Gedo
December 4, 2011 - Written byGedo:-Wararka caawa naga soo gaaraya Degmada luuq ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo Ethiopian ah ay soo galeen deegaano ka tirsan gobalka Gedo waxaana weheliya ciidamo Soomaali ah kuwaas oo dhowaan tababar loogu soo gaba gabeeyey degmada Doolow.
Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa xaqiijiyey in ciidamo soo galeen Degmada Luuq balse wuxuu ka gaabsaday in uu sheego Ciidamada Ethiopia ay la socdaan ciidamada Soomaalida ah iyo tiradooda.
Ciidamada Soomaalida ee la socda kuwa Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa ay ku wajahan yihiin gobalada Bay iyo Bakool sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.
Ciidamada Ethiopia ayaa dhaqan ka dhigtay in ay soo galaan ama bari taaraan ciidamada DFKM iyaga oo duulaan ku ah gobalada ay haatan gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab .
A/Cawale
Halgan.net