Ciidamo Ethiopia iyo kuwa Soomaali ah oo soo galay deegaano ka tirsan gobalka Gedo

December 4, 2011 - Written by

Gedo:-Wararka caawa naga soo gaaraya Degmada luuq ee gobalka Gedo ayaa sheegaya  in Ciidamo Ethiopian ah ay soo galeen deegaano ka tirsan gobalka Gedo waxaana weheliya ciidamo Soomaali ah kuwaas oo dhowaan tababar loogu soo gaba gabeeyey degmada Doolow.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa xaqiijiyey in ciidamo soo galeen Degmada Luuq balse wuxuu ka gaabsaday in uu sheego Ciidamada Ethiopia ay la socdaan ciidamada Soomaalida ah iyo tiradooda.

Ciidamada Soomaalida ee la socda kuwa Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa ay ku wajahan yihiin gobalada Bay iyo Bakool sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Ciidamada Ethiopia ayaa dhaqan ka dhigtay in ay soo galaan ama bari taaraan ciidamada DFKM iyaga oo duulaan ku ah gobalada ay haatan gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online