Ciidamo ka tirsan Booliska DFKM oo galabta xiray xaruntii golaha baarlamaanka DFKM
December 27, 2011 - Written byMuqdisho:-Ciidamo ka tirsan Booliska DFKM ayaa galabta albaabada iskugu dhuftay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ka dib markii uu amarka lagu xirayo uu bixiyey wasiirka arimaha gudaha ee DFKM C/samad Macalin Maxamuud
Ciidamada Booliska ee DFKM ayaa xiray dhamaan xafiisyada golaha baarlamaanka DFKM iyaga oo badalay dhamaan furayaashii waxay amar ku siiyeen xildhibaanada in aysan iman karin xarunta golaha shacabka ilaa amar danbe.
Taliyaha ciidanka Booliska DFKM ayaa warbixin dheer u qoray wasiirka arimaha gudaha isaga oo ka warbixinaya shaqaaqadii ka dhacday golaha shacabka iyo cidii ka masuulka ahayd.
Hoos ka akhriso warqadii uu taliyaha Booliska u qoraya wasiirka arimaha gudaha ee DFKM C/samad Macalin Maxamuud .
A/Cawale
Halgan.net