Ciidanka Booliska Boosaaso oo qabtay walxaha qarxa oo la dhiga Is-goyska Gaaca

December 26, 2011 - Written by

Boosaaso,Dec,26 -Ciidanka Booliska iyo kuwa Sirdoonka Puntlland ee loo yaqaan PIS-ta ayaa saaka ku guulaystay in ay fashiliyaan Bac la soo geliyey walxa qarxa oo la soo dhigay Is-goyska Gaaca oo dhinac galbeed ka xiga wadada laamiga  ah ee magaalada Boosaaso, Ciidanka Booliska iyo kuwa PIS-ta oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta la dhiga miinada ayaa markiiba ka war hellay waxaan ay miinada ka qaadeen goobta iyagoo markii danbe ku qarxiyey xeebta magaalada Boosaaso.

Ciidanka Booliska ayaa waxaa ku soo wargeliyey goobta la dhigay miinada mid ka mid ah dadka deganka Boosaaso oo isagu arkay Bac madow oo taal Is-goyska Gaac isagoo markii danbe la xiriiray laamaha amaanka taas oo sababtay in iyadoo miinadu qarxin oo dad wax ku noqon laga saaro goobtii la dhigay.

Ciidanka Booliska magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa dhowr jeer oo hore miinooyin la dhiga wadooyinka ka saaray iyagoo ku guulaystay  inay ku qarxin miinadaa dadka shacabka ah  oo haddii ay qaraxdo khasaaro fara badan gaarsiin lahayd dad shacab ah oo iyagu aan waxba galab san , kooxda iyagu dhiga miinooyinka iyo qarax ayaa usbuucii la soo dhaafay waxaa ay ciidan ka Boolisku Boosaaso ku guulaysteen howl gal ay sameeyeen in ay ku soo qabtaan rag iyagu dilal iyo qaraxyo ka fuliya magaalada Boosaaso walow aan ilaa hadda wax maxkamada ah la keeni saxaafadana aan la tusin.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

.

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online