Ciidanka Booliska Boosaso oo u qabtay dad fara badan dilal ka dhacay Boosaaso

December 21, 2011 - Written by

Boosaaso:-Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari oo maalmihii la soo dhaafay ka waday magaalada guda heeda iyo daafaheeda howl gal ay ku baacsanayaan kooxo dhalin yaro ah oo abaabulan dilal dhowr ahna ka fuliyey magaalada Boosaaso dilkaas oo uu u danbeeyey dilkii foosha xumaa ee lagula kacay allaha u naxariistee Sh.Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan , dad fara badan oo lagu tuhun san yahay in ay fulyeen dilal qorshayn iyo qarxyo ka dhacay Boosaaso ayaa loo taxaabay Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Ilo wareed ku sugan Boosaaso ayaa noo xaqiijiyey in ay jiraan dad badan oo la qabtay oo hadda lagu hayo Saldhigyada kale duwan ee magaalada Boosaaso, tirad dadka la qabtay ilaa hadda lama yaqaan mana jiraan saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska oo ilaa hadda la hadlay saxaafada.

Ilo wareed ku sugan Boosaaso oo aan wiidiiyey in dadka la qabtay ay ku jiraan kuwii fuliyey dilkii Allaha u naxariistee Shiikh Dr Axmed Xaaji ayaa ku gaabsaday kheyrku waa badan yahay war lagu farxo baan dhawaan filaynaa ayuu yiri Ilo wareedka ayaa hadalkiisa waxaa ka muuqday farxad iyo isku kalsoonaan dheeraad ah iyo in rajedu ay tahay mid fiican. Culimada , Ducaada iyo waxgaradka ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa alle ka baryaya in alle si dhaqso ah u kashfiyo kuwii dilay dad badan oo muslimiin ah iyo weliba gaar ahaan dhagarqabayaashii dilay Sh Dr axmed Xaaji allaha u naxariistee.

Wariyaasha Shabakadda wararka Halgan.net ayaa ku jirta aruurin macluumaad waafi ah oo ka farxin doonta dad badan oo la damcay in shaki laga galiyey cid fulisay dilka iyo kuwa soo abaabulay balse maalmaha soo socda ayaa la filayaa in dadka Soomaaliyeed ay maqlaan war ay ku farxaan oo wax badan oo in badan la daboolayey ay banaanka u soo baxaan.

Saraakiisha Ciidanka Booliska ayaa iyagu doonayn ilaa hadda in ay wax war ah siiyaan saxaafada ilaa iyo inta ay macluumaad waafi ah ay arruurina yaan oo uu baaritaanku uu soo xirmayo  sida aan xogta ku hellnay,howl wadeenada Shabakkada wararka Halgan.net ayaa u balan qaadi doonta in umadda Soomaaliyeed ay u soo gudbin doonto haddii alle idmo wax walba oo soo kordha insha Allaahu.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

5 Comments so far

Leave a comment

  1. ascw waxan halkan kasalamaya shabakada halgan net alle ha idinka farxiyo naga farxiya wax an sacad iyo xili kasta oo an nololku sokacno alle ka baryeynaa in illahay ku dadka musliminta ah xaqdarada ku dila alle so saaro fadexadooda gar ahan kuwa dilay dr axmad xaji abdirahmaan illawo casiiso kariimow ku was sideg deg ah adunka ku sociriiri akhirona ku cadaab illahow adane diciif ah banahay ee baryadada hanagu qadin illahow sosaar kuwa gacan ku dhiglayasha ah illahow war khayr nosonadi wan u mahad celinaya pls lalasocod siiyo war kasta oo ad ka maqashan arintan

  2. Waxaan Allaha Weyn ka baryeynayaa in la helo gacan kudhiiglayashii
    iyo maskax kudhiiglayaashi soo abaabuley Allaha kashifo.
    Allah waxaan ka baryeynaa in Allah ku salidho belaayo dukum daakum ka dhigtay kuwii dilay kuwii soo abaabulay iyo kuwa ku faraxaan/
    aaaaaaaaaaaaammmmmmmmmmmmmmmmmmmiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiinnnnnnnnnnnnnnnnnn

  3. waxaan farax sanahay runtii xataa waan ilawayay salantii isalamka oh asmclk dhamad tiin waxaad bamoodaa in aan arkayo cidii dhishay abihii umada somaliyeed alaha unaxariisto shahiid dr shekh axmed waxaan idin kacodsanyaa halgan inaad dadalkiina wadaaan waan idiin duceeyaa

  4. ASC WR WBR illaahay baa mahad oo dhanleh kashifay gacan ku dhiiglayaashii dilay sheekh dr ahmed ala haunaxariistee iyo ku wii kadanbeeyayba walaalaha halgan.net way mahad sanyihiin sida ay umada ugu soo gudbiyaan wararka farxada leh iyo khayrka illaahay habara keeyo

  5. ascwrwb Allah ayaa mahad iska leh idilkeed ka dibna waxan halkaan uga mahad noqaya walalaha halgan.net warkan farxada badan oo aad nosoo gudbiseen. Manta waxay ka midtahay ama ay tahay malinti igu farxada badneed intaan aduunka joogay. waana filayay ducada dadka musliminta ( culimo. ducad. dulab, wayeel, iyo caruur) inaysan meel cidlo ah dhacayn .
    Waxaan sugnaaba waa warkoo dhamaystiran insha allah baraka allahu feykum

Leave a comment

*