Culimada Soomaali galbeed oo ka tacsiyeeyay geeridii Sh Dr. Ahmed Xaji C/raxmaan

December 5, 2011 - Written by

Jigjiga:-Anaga oo ka tiiraanyeysan dilkii naxdinta lahaa ee loo geystay Sheekh Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan waxaan tacsi u direynaa ehelkii ubadkii, ardaydii iyo asxaabtii uu sheekhu ka geeriyooday, sheekhana waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu jannadiisa firdowsa ka afuriyo, annaga oo u rajeyneyna inuu khaatimo wanaagsan ku dhintay, sida calaamadaha geeridiisu ku timid muujinayaan, wuxuu dhintay isaga oo sooman,xaj soo gutay, salaad subax soo tukaday oo maganta ilaahay ku jira sida xaddiiska ku sugan.

ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu musiibadan inagu wada samirsiiyo ciddii xaqdarrada sheekh ku dishayna uu adduunka abaalkooda xun inagu tuso aakhiro ka hor.

Culimadu waa indhaha umadi wax ku aragto qofka beegsaday inuu caalim dilana waa qof ku talo galay inuu ummaddaas indhaha ka rido, geeriduna iyada oo musiibo ah waa musiibo gaar ah sii ah midda culimada:
لعمرك ما الرزية فقد مال  ولا شاة تموت ولا بعير
ولكن الرزية فقد فذ   يموت لموته بشر كثير
ugu danbeyntii waxaan ka digeynaa fataawada shaadka ah iyo gaaleysiinta iyo banneysiga dhiigga muslimiinta culimo iyo caamoba ee ay ay caadeysteen dad huwan magaca culimo iyo kooxo magac diineed leh, dhab ahaanna shaqada ay qabanayaan ay tahay jirrird goynta islaamka iyo ehelkiisa.

Maktabka Warfaafinta ee Culumada Soomaali Galbeed
Halgan.net

Leave a comment

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online