Dagaal ka qarxay duleedka degmada Dhuusamereeb ee gobolka Gal-gaduud
December 18, 2011 - Written byDagaal xooggan ayaa waxaa uu ka socdaa meel u jirta ilaa 15 KM degmada Dhuusamereeb ee gobol ka Gal-gaduud, dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyaa ciidanka Al-shabaab iyo ciidamo daacad u ah Ahlusunna ee iyagu ka taliya qaybo ka mid ah Gobolka Gal-gaduud. Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidamo ka tirsan Al-shabaab ayaa dagaal gaadmo ah ku soo qaadeen fariisamo ay kaga sugnaayeen magaalada ciidanka Ahlusunnah gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Xuuteeye, dagaalka ayaa ah mid xooggan waxaan ay labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka culus.
Dagaalka ayaa ku soo beegmay xili masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab ay sheegeen in hishiis ay la gaareen beelo dega Gobolka Gal gaduud halka kuwa kalena ay ugu deeqeen lacag , dagaalka ayaan ilaa hadda la aqoon khasaaraha ka dhashay balse waxaa la filayaa in la ogaado saacadaha soo socda.
Wixii faahfaahin ah dib ayaan idinkaga soo tabin doonaa Insha Allaahu
A/cawaale
Halgan.net