Dagaal xalay ka dhacay deegaanka Taabta ee gobolka J/hoose.

December 13, 2011 - Written by

Kismaayo:-Wararka aan ka hellayno degaanka Taabto ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in halkaas uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka Raaskaanboon,  kuwa DFKM oo gacan ka hellay ciidanka dalka Kenya iyo ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab, dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay dagaal gaadmo ah ku qaadeen fariisamo ay ku sugnaayeen ciidan ka DFKM iyo kuwa Raaskaamboonin ka dibna uu bilowday dagaal xooggan oo inta badan la isku is adeeg saday hubka waaweyn iyo kan fudud.

Dagaalka ayaa waxaa uu socday mudo saacado ah waxaan dagaalka soo galay markii danbe ciidamo Kenyaati ah oo ku sugnaa meel aan ka fogayn fariisanaha ciidanka DFKM iyo kuwa Raaskaambooni, dagaalka xalay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro nafeed iyo mid agab oo soo kala gaaray ciidamadii dagaalku uu dhexmaray.

Is gaarsiinta degaanka Taabo  ee gobolka J/hoose oo aan fiicnaya ayaa waxaa aad u adag in la hello xog rasmi ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo cida khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray dagaalka ,masuuliyiin u kala hadalay ciidanka DFKM iyo kuwa ururka Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalka balse xiriiro aan la samaynay degaano ku dhow degaanka Taabto ayaa noo xaqiijiyey in goobihii lagu dagaalmay xalay ay tahay mid degan saaka balse ay ka jirto dhiilo colaadeed iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaa  ciidanka Al-shabaab iyo kuwa DFKM iyo Raaskaambooni oo taageero ka hellaya ciidanka dalka Kenya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online