Dagaal xooggan oo ka dhacay degaanka Xayo ee Gobolka Jubada Hoose
December 2, 2011 - Written byKismaayo:-Dagaal ayaa saaka ka qarxay tuulada Xayo oo u dhexeysa Qooqaani iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose iska horimaadkaan oo ahaa mid culus ayaa waxaa uu u dhexeeyey ciidanka Al-shabaab iyo ciidamo ka kala tirsan ururka Raas kambooni iyo DFKM oo ay gacan siinayaan ciidanka dalka Kenya.
Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii ay isku dhaceen 2-bo sahan oo ka kala tirsan ciidanka Al-shabaab iyo kuwa Raaskaam booni, dagaalka ayaan ilaa hadda la aqoon cida ku gacan saraysa iyo khasaaraha kala gaaray ciidamada dagaalku uu u dhexeeyo.
Dagaalka oo socday saacado badan ayaa qolo walba waxaa ay ku dadaalaysaa in ay fariisamo cusub qabsto iyadoo ciidanka Raaskaambooni iyo kuwa DFKM oo ay gacan siinayaa ciidanka Kenya ay doonayaan in ay ku siqaan degmada Afmadow iyadoo halkaasna ay ciidanka Al-shabaab ay soo dhigeen difaacyo adag.
Degaanka Xayo ee uu dagaalka ka socdo ayaa waxaa ka go,an is gaarsiinta waxaan aad u adag in la ogaado khasaaraha nafeed iyo mid maadi ee ka dhashay dagaalka socda, warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegay inay jiraan dhowr gaadiid oo la kala qabsaday iyo kuwa la gubayba, ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidanka Al-shabaab iyo kuwa Raaskaamboni ee ku saabsan dagaalka.
A/cawaale
Halgan.net