Dawlada Kenya ayaa ogolaatay in Ciidamadeeda qaadato magaca AMISOM
December 7, 2011 - Written byNairobi:-Kulan ay isigu yimaadeen Golaha wasiiradda ee Dawladda Kenya ayaa waxay isku raaceen in Ciidamada Meleteriga Kenya ee gudaha Soomaaliya ku soo xadgudbay ay qaataan magaca AMISOM si ay qeyb uga noqdaan howgalada ciidamada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya.
Afhayeenka wasaaradda G/dhiga Major Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in kulankii ay Nairobi ku yeesheen Golaha wasiiradda Kenya la isku raacay in ciidamada Kenya ay qeyb ka noqon doonaan howlgalada AMISOM.
Go’aanka ay maanta isku raaceen Golaha Wasiiradda Kenya,ayaa waxaa la hor geyn doonaa baarlamaanka dalka Kenya si ay cod ugu qaadaan go,aanka ay isku raaceen golaha wasiirada
Afhayeenka wasaaradda G/dhiga ee dalka Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa ka hadlay dagaalo culus oo ka dhacay gobalka J/hoose isaga oo ku faanay in ay dileen qaar ka mid ah ciidamada Al-Shabaab .Afhayeenka ayaa qariyey khasaaro kala duwan iyo baabuur looga gubay dagaalo gaadmo ah oo ay ku kadiyeen ciidamada Al-Shabaab
A/Cawale
Halgan.net