Dayax madoobaad ka dhacay caawa inta badan Gobollada dalka Soomaaliya

December 10, 2011 - Written by

Boosaaso:-Dayax madoobaadka caawa lagu arkay meelo badan oo kamid ah Soomaaliya ayaa waxa uu bilowday saacaddu marka ay ahayd 5:55 daqiiqadood ee fiidnimadii caawa meelaha sida wayn looga dareemay dayax madoobaadkan ayaa waxaa ka mid ahaa magaalada Qardho, guud ahaan Puntland iyo Magaalooyinka kale ee ku yaala koonfurta soomaaliya sida Muqdishoإن الشمس والقمر آيتان من آيات الله لا ينكسفان لموت أحد ، ولكن الله تعالى يخوف بها عباده Waxaana intaa ka dib bilowday in dadku ay u istaagaan salaad alle si ay u helaan naxariista alle goodiskiisana uga badbaadaan xiliga uu dayax madoobaadka dhacayey ayaa waxaa Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab ee magaalada Qardho ka akhrinayey Kitaabka Kitaabka Mukhtasar Saxiixul Bukhaari oo loo yaqaano Tajriidu Sariix Shiikh Xassan Bookh, Shiikh Xassan ayaa si deg deg ah u joojiyey Kitaabkii waxaan uu dadweynaha ku wargeliyey in loo istaago salaada kusuufka.

Shiikh Xassan ayaa markii salaada la tukaday waxaa uu ugu baaqay dadweynihii ku sugnaa Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab in Alle ay u toobad keenaan lagana fogaado danbiyada iyo macaasida, Sh Maxamed Axmed Faarax (dabiix) ayaa isagana hadal kooban ka jeediyey Masjidka ayaa xusay in quraxda ama dayax aysan u madoobaan ruux geeridiisa ee u madoobaadaan si dadka loo cabsi geliyo waxaa kale oo uu sheegay shiikh Maxamed Axmed Faarax Dabiix  in dadka looga baahan yahay sidii ay u badin lahaayeen dalbida danbi dhaafka alle si aysan u soo deg degin carada  Alle, isagoo bulshada Soomaaliyeed oo dhan ugu baaqay in ay ilaah u towbad keenaan, isla markaana la joojiyo dilka joogtada ah ee loo geysanayo Culimada iyo in umada Muslimka ah dhiigooda aan la banaysan.

Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. waxaan ummadda reer puntland ugu baaqaayaa in kuligeed Ilaah u noqdaan, Rabbina u toowbad keenaan. waxaan liibaan adduun iyo mid aakhiro leh Alle ka cabsi iyo ku sugnaanta wadadda Alle noo tilmaamay. waxaan Alle idiin ka baryayaa in uu qalbigeenna isu soo dumo, dhamaan teena danbigeenna dhaafo Aamiin.

Leave a comment

*