Dayax madoobaad ka dhacay caawa inta badan Gobollada dalka Soomaaliya

December 10, 2011 - Written by

Boosaaso:-Dayax madoobaadka caawa lagu arkay meelo badan oo kamid ah Soomaaliya ayaa waxa uu bilowday saacaddu marka ay ahayd 5:55 daqiiqadood ee fiidnimadii caawa meelaha sida wayn looga dareemay dayax madoobaadkan ayaa waxaa ka mid ahaa magaalada Qardho, guud ahaan Puntland iyo Magaalooyinka kale ee ku yaala koonfurta soomaaliya sida Muqdishoإن الشمس والقمر آيتان من آيات الله لا ينكسفان لموت أحد ، ولكن الله تعالى يخوف بها عباده Waxaana intaa ka dib bilowday in dadku ay u istaagaan salaad alle si ay u helaan naxariista alle goodiskiisana uga badbaadaan xiliga uu dayax madoobaadka dhacayey ayaa waxaa Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab ee magaalada Qardho ka akhrinayey Kitaabka Kitaabka Mukhtasar Saxiixul Bukhaari oo loo yaqaano Tajriidu Sariix Shiikh Xassan Bookh, Shiikh Xassan ayaa si deg deg ah u joojiyey Kitaabkii waxaan uu dadweynaha ku wargeliyey in loo istaago salaada kusuufka.

Shiikh Xassan ayaa markii salaada la tukaday waxaa uu ugu baaqay dadweynihii ku sugnaa Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab in Alle ay u toobad keenaan lagana fogaado danbiyada iyo macaasida, Sh Maxamed Axmed Faarax (dabiix) ayaa isagana hadal kooban ka jeediyey Masjidka ayaa xusay in quraxda ama dayax aysan u madoobaan ruux geeridiisa ee u madoobaadaan si dadka loo cabsi geliyo waxaa kale oo uu sheegay shiikh Maxamed Axmed Faarax Dabiix  in dadka looga baahan yahay sidii ay u badin lahaayeen dalbida danbi dhaafka alle si aysan u soo deg degin carada  Alle, isagoo bulshada Soomaaliyeed oo dhan ugu baaqay in ay ilaah u towbad keenaan, isla markaana la joojiyo dilka joogtada ah ee loo geysanayo Culimada iyo in umada Muslimka ah dhiigooda aan la banaysan.

Halgan.net

Leave a comment

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online