Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Soomaali ah oo la socda oo ku habsaday magaalada B/weyne.

December 31, 2011 - Written by

Muqdisho:-Xaaladda Beledweyne ayaa imika degan ka dib markii maanta uu ka dhacay dagaal culus markii ay duulaan soo qaadeen ciidamada Itoobiya iyo ciidan Daacad u ah Dooxada Shabeele  kuwaas oo qabsaday magaalada B/weyne ka dib dagaal socday in ka badan 6saac oo xiriir ah
Ciidamada Al-Shabaab ayaa dib uga gurtay magaalada B/weyne iyaga oo ku sugan meel aan sidaa uga fogeyn magaalada B/weyne .

Magaalada Baladweyne ayaa caawa ah mid Bandow ah waxaana ku sugan gudaha magaalada  ciidamo Itoobiya iyo ciidamo Soomaali ah oo ka kooban kooxo kala duwan kuwaas oo ay bari taarayaan ciidamo Itoobiyaan ah.

Afhayeen u hadlay dalka Itoobiya Bereket Simon oo wareysi siiyey idaacada BBC ayaa sheegay in DFKM ay ka dalbadeen in ay garab ka siiyaan la dagaalanka Al-shabaab sidaasna ay ciidamadooda u soo gasheen gobalka Hiiraan.

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun…

    Waxyaabaha qaarkood oo maqasho waxaa ay qalbiga ku sababaan ama ku shaweeyaan inuu dillaaco, waxaan taas ula jeedaa waa musiibo aan kasoo waaqsi lahayn in 2sano ka dib ciidamadii iyagoo dulleysan ka huleeley soomaaliya ay maanta si calan ah oo aan gabbsho lahayn usoo galaan oo waliba af labadii ku yiraahdaan dawladda soomaaliya ayaa noo yeeratay oo caawimo naga dalbatay…..

    ma qariibsanayo oo la yaabi maayo waayo dhurwaa meeshii uu doonayey usha loogu dhuftay weeye oo aan kasoo jeedsi lahayn, waxaas oo dhamina waxa ii keenay ee usoo gacan haadiyey waa nimankaan jar iska xoorka lagu ibtileeyey ee mujaahidiin baan nahay ku hadaaqaya hadh iyo habeen ee inta shacabka muslimka ah maalin kasta cadaw kusoo hogaamiyaan haddana uga cararaya ee caadadoodu ay noqotay naftu orod bay kugu aamintaa…aaway nimankii bad iyo dhul baan jiireynaa lahaa ee maroodiga lama maraanka ah iska dhigayey waa Alshabaabe) maxay uga carareen gaalada markey soo duushay, maxay afkooda u haysan waayeen haday cagaha wax ka deyayaan..? caku iyo nin aan qaddarkiisa iyo tabartiisa garaneyn, soomaalidu waxaa ay tiraahdaa talo xumo abaar ka daran, markey wadankii iyo shacabkii soomaaliyeed dhulka ku jiideen oo walaalahood mid ay xabbad beerka kaga dhuftaan iyo mid ay gaaleeyaan oo dhiigiisa banneystaan iyo mid cagahiisii kaga baxsadey ka dhigeen ayay meel cidla ah ku dhaceen oo xaalkoodu uu noqday ninkii talo walaal diida turaanturo ma huro.

    Ma maantaa guushii shacabka soomaaliyeed gaarey iyo sharaftii uu kasoo hooyey duulaankii injirley ay dalka kusoo gashay ee ay ku jabtay meel cidla ah noqday oo amxaaro oo aan haba yaraatee shaki ka qabin shacabkii ay dhex mushaaxeysaa badhtamihii soomaaliya….wallee taasi ma dhacdeen laakiin waxaa u sallaxay oo tamhiid u sameeyey ururkaan soomaali intii soo hartay kala tafaraaruqiyey awoodda wahmiga ah isbiday….bal maxaa ka dhici lahaa hadii shacabkii soomaaliyeed ee dhiigbaxa u dhimanayey ay dhiig joojin u raadiyaan, maxaa ay noqon lahaayeen hadii ay dadkaan kala firdhaday ee daafaha caalamka ku kala firirsan soo ururiyaan oo nabad ugu baaqi lahaayeen, miyey taloba ka joogtay iyo caqliga in dalkaan iyo dadkaan inqiraadka ku dhowaa bal laysku soo jiido oo caano daatay dabadoodaa la qabtaaye bal marka hore la sameeyo musaalaxo iyo alle u toobad keen iyo iscafis,ka dibna dadku midoobaan oo hal xero soo wada galaan, iyadaaba wax walboo dhami iska iman lahaaye, taasise ma dhicin oo nin jar iska xoor ah oo dhaan dabangaalle istusay ayaa yiri waxaas oo dhami waxba kama jiraan iyo hadaan jidka aan maro aan lasoo qaadin baaruud baa idin leefaysa soomaalidu markaasoo kale waxaa ay tiraahdaa ” Hunguri wax ka wayn la geliyey wuu dillaacaa, alshabaabna maanta dalkii soomaali la oran jirey intii ka hartey iyagaa loogu dawgelayaa…ilaahay cadawga ummaddatan masaakiinta dhuunta ha u galo…

Leave a comment

*