Diyaaradaha Kenya oo shalay duqeeyey deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose

December 21, 2011 - Written by

Diyaaradaha dagaalka ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa waxaa ay shalay duqeyn dhinac cirka ay ka geysteen deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose waxaan weerarkaas ka dhashay khasaaro fara badan oo soo gaaray dad gaaraya ilaa  40 qof , dadka weerarkaas ku dhintay ayaa waxaa lagu sheegay inta u dhexeysa  15 qof ilaa 25 qof  halka dhaawaca dadka uu soo gaarayna ay gaareayaan ilaa 27 qof.

Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya oo ahaa kuwa miiga ayaa  ilaa dhowr madfac ku riday bartamaha tuulada Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose oo ilaa 160 KM u jirta  magaalada xeebta ah ee Kismaayo, Gantaalada ay rideen diyaaraduhu ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray dad shacab ah.

Dadka degaanka oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu jiro khasaaro soo gaaray ciidamo ka tirsan Al-shabaab balse ay iyagu arkeen oo kaliya hal askari oo dhintay balse dhimashada iyo dhaawac ugu badan uu soo gaary dadka rayidka ah ee ku noolaa Tuulada Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose.

Guddoomiyaha gobollada Jubbooyinka ee ururka Al-shabaab Sh. Abuubakar Cali Aadan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in diyaaradaha dalka Kenya ay duqeeyeen oo ay dileen dad rayid ah weerarkooduna uu ahaa mid fulaynimo ah balse ciidanka Al-shabaab ay ka go,ayn doonaa ciidanka dalka Kenya dhibaatada ay u geysteen dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Dhamaan dadkii ku dhaawacmay duqeynta diyaaradah ciidanka Dalka Kenya ayaa waxaa loo qaaday magaalada Kismaayo ee xaruta Gobolka Jubada Hoose waxaan dadka dhaawac ah qaaday  ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab oo u soo gurmaday dadka shacabka ah ee dhibaatadu ay soo gaartay.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online