Diyaarado shalay galab duqeeyey Jaziirada Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose

December 25, 2011 - Written by

Kudhaa:-Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ayaa mar kale waxaa ay duqeyn ka geysteen shalay galab Jasiirada Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose , duqyentaan ay geysteen diyaaradaha ayaa waxaa ka dhashay khasaaro fara badan iyagoo dadka ay bilaabeen in u barakaceen gobha ku dhowdhow Jaziirada Kudhaa.

Diyaaradaha dalka Kenay ayaa shalay galab in ka badan  saacad waxaa ay duqeyen ka geysteen Jaziirda Kudhaa gudaheeda iyo Daafaheeda waxaa duqyntaas dhaawac iyo dhimasho ka soo gaartay dad aan ilaa hadda tiradooda la aqoon, Jaziirada Kudhaa ayaa ah Jaziirada camiran oo dad badan ay degan yihiin lehna Dekkada macmil ah  waxaa kale oo ay Jaziirada Kudhaa isku xirtaa  magaalooyinka Badhaadhe iyo Buurgaabooo ilaa  90-km u jirta magaalada Xeebta ah ee Kismaayo.

Sarkaal u hadalay ciidanka dalka Kenya ayaa sheegay in 2 diyaaradood oo laga leeyahay dalkooda ay duqeeyeen saldhigayo ku yaal bariga Jaziirada Kudhaa oo ay fariisamo ku lahaayeen ciidanka ururka Al-shabaab khasaarana ay gaarsiiyeen, wararka ka soo baxaya dadka degaanka ayaa sheegaya in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay yihiin dad rayid ah.

Duqeynta diyaaradaha dalka Kenya ee Jaziirada Kudhaa ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili maalmo ka hor ay diyaaradaha dalka Kenya ay duqeeyeen degaanka Hoosingoow iyagoo ku laayey dad rayid ah oo aan waxba qalabsan dadkaas oo wixii dhintay mooyee wixii dhaawac ahaa loo soo qaaday magaalada Kismaayo. 

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online