imaamka Masjidka Quba ee magaalada Leicester Sh Cabdalla oo ka digay dilka qofka muslinka ah si xaq daro ah

December 16, 2011 - Written by

Leicester:-Shiikh Cabadalla Maxamed Maxamuud oo ah imaamka Masjidka Quba ee magaalada Leicester ayaa waxaa uu mar labaad ka hadalay dilkii foosha xumaada ee usbuuc ka hor loogu geystay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari  Shiikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo uu Shiikhu si wanaagsan ay isku yaqaanee, Shiikh Cabdalla Maxamed Maxamuud ayaa Jimcihii hore waxaa uu uga hadalay khudbadii Jimce sida ay khatar u tahay in dad muslimiinta  si xaq daro ah oo aan diinat waafaqsanayn loo dilo isagoo sidoo kale arrin musiibo weyn ah ku til maamay haddii dadka culimada ah ee xanbaarsan diintana Islaamka dhiigooda la banaysto.

Imaamka Masjidka Quba ee magaalada Leicester Shiikh Cabdalla Maxamed Maxamuud ayaa waxaa uu si qoto dheer oo kooban uga had lay khatar ka dhalan karta aduun iyo aakhiro in qof muslin ah dhiigiisa lagu daadiyo xaaran, Shiikh Cabdalla Maxamed Maxamuud ayaa waxaa uu tacsi u diray dhamnaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan iyo eheladii uu ka geeriyooday Shiikh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan isagoo alle uga baryey in alle u naxariisto.

Hoos ka Dhagayso Kalimadii imaamka Masjidka Quba ee magaalada Leicster Sh Cabdalla Maxamed
[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/Boosaaso/shcabdalla.mp3]

Dhinac kale masaajida ku yaal magaalada Leicester ayaa sidoo kale looga hadlay in ay xaaran tahay dilka qofka muslinka ah iyadoo aan loo haysan wax xujo ah oo diintu ay banaysay ,Imaamyadda Masaajida magaalada Leicester ayaa arrinkaas ka hadlay waxaa ka mid ah Imaamka Masjidka Al-hudaa iyo imaamyo kale oo aan dib idinkaga soo tabin doono insha Allaahu.

Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. amiin amiin amiin illahay wax an ka baryenaa in u aduunka cirri ku geliyo akhironaa cadabti ku fogeyo ilaahay subxanahu watacaal waxan ka baryeynaa in adunka anaga oo ku nool kuwas dilka geystey fawaxishtooda iyo ceqaabtoda na tuso insha allahu saas ayan eebe ka rajeyneynaa xaqa illahay wa soosara weliba dhigu ma qarsomo illahay ha so istimiyo hadanu umadisinahay iilahow ku il xumadoda natus akoonka anaga uu jognaa insha allahu wan sugeynaa kuwas dr axmed dilay isaguna janadu illahay ha kawarabsh atamana kuwa dariqada ku dhinta hanaga dhigo waayo wa dariqad saxiix ah waayo qof alle jecelyahay ba saa ku dhinta insha allah illahay anagana hanagu dilo dariiqas qof naasib leh aya illahay ugarta sidaas adiga oo sooman adiga oo xajki sogutay adiga oo debbi yar adiga oo maran oo gacan ka xaqdari ku dishay atamanna calek nasiib qof leh aya ku dhinta oo alle jecel yahay dariiqas

Leave a comment

*