imaamka Masjidka Quba ee magaalada Leicester Sh Cabdalla oo ka digay dilka qofka muslinka ah si xaq daro ah

December 16, 2011 - Written by

Leicester:-Shiikh Cabadalla Maxamed Maxamuud oo ah imaamka Masjidka Quba ee magaalada Leicester ayaa waxaa uu mar labaad ka hadalay dilkii foosha xumaada ee usbuuc ka hor loogu geystay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari  Shiikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo uu Shiikhu si wanaagsan ay isku yaqaanee, Shiikh Cabdalla Maxamed Maxamuud ayaa Jimcihii hore waxaa uu uga hadalay khudbadii Jimce sida ay khatar u tahay in dad muslimiinta  si xaq daro ah oo aan diinat waafaqsanayn loo dilo isagoo sidoo kale arrin musiibo weyn ah ku til maamay haddii dadka culimada ah ee xanbaarsan diintana Islaamka dhiigooda la banaysto.

Imaamka Masjidka Quba ee magaalada Leicester Shiikh Cabdalla Maxamed Maxamuud ayaa waxaa uu si qoto dheer oo kooban uga had lay khatar ka dhalan karta aduun iyo aakhiro in qof muslin ah dhiigiisa lagu daadiyo xaaran, Shiikh Cabdalla Maxamed Maxamuud ayaa waxaa uu tacsi u diray dhamnaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan iyo eheladii uu ka geeriyooday Shiikh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan isagoo alle uga baryey in alle u naxariisto.

Hoos ka Dhagayso Kalimadii imaamka Masjidka Quba ee magaalada Leicster Sh Cabdalla Maxamed
[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/Boosaaso/shcabdalla.mp3]

Dhinac kale masaajida ku yaal magaalada Leicester ayaa sidoo kale looga hadlay in ay xaaran tahay dilka qofka muslinka ah iyadoo aan loo haysan wax xujo ah oo diintu ay banaysay ,Imaamyadda Masaajida magaalada Leicester ayaa arrinkaas ka hadlay waxaa ka mid ah Imaamka Masjidka Al-hudaa iyo imaamyo kale oo aan dib idinkaga soo tabin doono insha Allaahu.

Halgan.net

Leave a comment

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online