Madaxweynaha dowllada Puntland iyo R/wasaare Gaas oo kormeeray goobo muhiim ah oo ku yaala magaalada Boosaaso

December 28, 2011 - Written by

Arbaco, December 28, 2011 Madaxweynaha dowllada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole iyo wafdiga uu hogaaminayo Ra.iisul wasaaraha DFKM Dr.Cabdiwali Maxamed Cali ‘Gaas’ ayaa maanta kormeer ku sameeyey qaar ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland iyo Wafdiga Raisul wasaaraha oo shalay soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa saaka waxa ay booqdeen  isbitaalka wayn ee magaalada Boosaaso Bender Qaasim Generaal Hospital,Dekedda,Garoonka diyaaradda Bander qaasim International Airport, xarunta tababarka ciidanka badda Puntland iyo  suuqa weyn ee magaalada Boosaaso oo inta badan  dab uu baabi’iyay.

Waxaa socdaalka Kormeerka wafdiga Raisulwaasaraha DFKM Cabdiweli Gaas ku weheliyey  wasiiro ka tirsan DFKM iyo maamulka Puntland Madaxweyne Puntlland Dr. Cabdiraxmaan Faroole iyo Raisulwaraare Dr, Cabdiweli Gaas ayaa waxaa ay war bixino kale duwan ka dhageystay masuuliinta goobihii ay booqdeen.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa saaka waxaa aad loo adkeeyey amaankeeeda waxaana hakad uu galay isku socod ka gawaarida taas oo ay cabasho ka muujiyeen dadweynaha ku dhaqan magaalada Boosaaso.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online