Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka W/Q Maxamed Nuur Shir

December 9, 2011 - Written by

Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka, waa qormo aan ku qaadaa dhigi doono  dhaqannada cusub ee ay  soo kordhiyeen qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Barasho wanaagsan

Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka waa qeyb ka mid ah taageerayaasha koox ka mid ah kuwa ku hardamaya waddanka Soomaaliya, waxaana ay sheegtaan inay iyagu afka ka jihaadayaan.

Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka waxa ay ka kooban yihiin 3 qeybood oo kala ah:

1-Kuwa afka ka hadla

2-Kuwa wax qora

3-Kuwa murma

Haddii aan ku hormaro kuwa afka ka hadla: waa kuwa ay suuragalka u tahay inay dadka si guud  ula hadlaan, haddii ay ahaan laheyd inay Masaajid kala hadlaan, iyo inay warbaahinta qeybaheeda kala duwan isticmaalaan.

Qoladan koowaad iyagu waxa  dhib badan ka haysataa sidii ay aragtidooda dadka u laqsiin lahaayeen, iyadoona marka ay ka hadlayaan meelaha ay fariintooda ka gudbinayaan uu ka muuqado ciil badan oo ay u qabaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Kooxda labaad waa kuwa wax qora, qoladan iyo kuwii ka horeeyeyba ma badna, waxayna geed dheer iyo mid gaaban u fuulaan sidii ay qoraal ugu difaaci lahaayeen waxa ay aaminsan yihiin, iyagoo  dacaayado badan ku fura qolyaha fikradaha ay qabaan diiddan.

Kooxda kale waa qolyo iyagu ayan suuragal u aheyn inay si guud dadka ula hadlaan, ama  inay wax qoraan, balse iyagu waxa ay aaminsan yihiin waxa ay ku gutaan muran. waxa ay tagaan meelaha bulshadu isugu timaaddo, waxaana ay ku doodaan wixii ay ka soo maqleen ama ka soo aqriyeen qoyalaha  ay isku taageerada yihiin.

Majaahidiinya fadhi ku-dirika waxa ay aad u neceb yihiin marka la weydiiyo hal su’aal waana middan:

” Haddii  waxa aad sheegeysaan idinka dhab yihiin maxaad idinku u jihaadi weydeen?:  taasi waa su’aasha ay ugu neceb yihiin in la weydiiyo, qofka arintaas soo hadal qaadana waa midka ay ifka ugu neceb yihiin, iyagoo u isticmaala erey marka ay caroodaan ay dhahaan, dib ayuu inooga imaan doonaaye.

Sababta ay su’aashaas u neceb yihiin waa, inay iyagu dhahaan Jihaadka socdaa waa mid qof walba laga rabo oo sida salaadda oo  kale qof walba Waajib ku ah. dadka kale qaarkood waxay ku xukumaan inay waajibkaas ka fariisteen, balse marka  iyaga la weydiiyo waxa ay uga fariisteen waajibka ay sheegayaan waxa ay la dibiraan caro.

Qaar ka mid ah Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka ayaa waxa ay dhahaan “Sheikh hebel waa faasiq, maxaa yeelay Sheikhul Islaam Ibnu Teymiyah ayaa sheegay inuu faasiq yahay Sheikhii  Jihaadka ka fariista” haddii lagu dhaho adigu ma faasiq baad tahay? “wuxuu ku leeyahay shaqsiyadda qofka lama faragashto” isaguna cidda uu xukumayo waa qof iyo bulsho gaar ah. bal adigu fahan.

Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka ereyada ay isticmaalaan waxaa ka mid ah:

Murdad

Munaafiq

Khabiith

Faasiq

Munxarif  iyo kuwa kale.

Ereyadaas waxay u isticmaalaan dadka ay diiddan yihiin qeybahooda kala duwan, sida ay ereyadu u kala culus yihiinna waxay ugu dhahaan sida ay u kala neceb yihiin dadka ay u isticmaalayaan, waxaa xusid mudan in ereyga “Murtad” ay isticmaalaan marka ay aad u xanaaqaan.

Waxaa dhici karta in ereryadu sida ay u kala culus yihiin ayan u kala xulanin, iyadoo xiliyada qaarna sida afkooda ay ugu soo kala hormaraan ay u dhahaan, mana kala jecla haddii uu kugu dhaho wax uusan kaa aaminsaneyn maaddaama uu aad  kuugu careysan yahay.

Taageerayaashan waxa ay qaataan mowqifba midka uu ka adag yahay, haddii laba mas’alo oo labuduba la qaadan karo ay isu qabtaan waxa ay xushaan midda ay is leeyihiin dadka ayaad ku dhibi kartaan oo waa ay ku culus tahay, waxaa xusid mudan in Taageerayaasha iyo qolayaha ay taageersan yihiin ay mowqif ahaan u fog yihiin Taageerayaasha, waxaana la arkaa inay qabaan wax ayan qabin qolyaha ay taageersan yihiin.

Dad badan waxaa fogeeya oo neceyb ku beera taageerayaasha,” Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka”  waxaana marmar ay dusha saartaan wax ayan qabin  qolyaha ay taageersan yihiin, ama diiddan yihiin, taasoo qolyaha ay taageersan yihiin ka fogeysa dad badan oo beer jileec markii hore u hayey.

Qaar ka mid ah tilmaamaha ay leeyihiin Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka:

Xanaaq badan

Been abuur

Degdeg

Aflagaaddo iyo kuwa kale oo badan.

La yaab malahan in mid ka mid ah Mujaahidiinta fadhi ku-dirirku uu cidda uu neceb yahay ku xukumo in dhiigiisu banaan yahay, iyadoo waxa qofka Muslimka ah dhiigiisa lagu baneynayo ayan dhaafsiineyn in badan ciil laga qaaday, hadallo qofkaasi jeediyey, ama  qoraalo qofkaasi qoray iyo wax la mid ah, taasoo ay dhici karto in sida ay u fahmeen ” Mujaahidiinta fadhi ku-dirirku” ayan wax u jirin.

Fiiro gaar ah: qolyaha aan tooshka ku ifinayo waa qaar ka mid ah taageerayaasha xarakada Al-Shabaab, ee kama hadlayo xarakada Al-Shabaab. sidoo kale dadka aan ka hadlayo waa kuwa leh dhammaan tilmaamaha aan soo sheegay ee kuma jiraan ciddii aan tilmaahaasi laheyn.

Qormadii ku saabsaneyd Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka intaan ayaan ku soo afmeerayaa.

W/Q:  Maxamed Nuur Shir

mnuur10@gmail.com

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Waa run sxb walaahi waxaad nooso gudbisay maqaal muhiim ah. carabtu waxay ku maah maahda.
    الحر تكفيه الاشارة
    ujeedada waynu wada fahami karnaa. adna alaha ku barakeeyo

Leave a comment

*