Nadwo diini ah oo si habsami leh uga socota caawa magaalada Cape Town(Warbixin)

December 29, 2011 - Written by

Cape Town :-Waxaa maalmahan ka socday dalka Koonfur Afrika shir sanadeedkii labaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika shirkaan ayaa waxaa qaban qaabadiisa lahaa golaha dacwada ee Al-bayaan, wuxuu shirkan ka  bilowday magaalada ganacsiga ee Johannes burg taariikhdu markay ahayd 25/12/ 2011 wuxuuna soo gaba-gaboobay 27/12/2011.

Culumada ayaa shalay ka bilaabay muxaadarooyin  kale duwan magaalada Cape Town iyada oo muxaadaradii ugu horeysay uu jeedshay Sh.Maxamuud Shible wuxuuna ka hadlay Shiikhu towbada iyo sidda ay muhiim u tahay iyo in loo diyaar garoobo maalinta qiyaamaha ee ina wada sugaysa

Muxaadaradii Labaad ayaa waxaa galay Sh Mustafe Xaaji Ismail waxaana uu ka hadlay (Fasaadu Daatil Bayn Hiyal Xaaliqah ) oo ah halka laga soo galay umada Islaamka ee isku wada maqan ,Sheekha Mustafe Xaaji ayaa si xeel dheer uga hadlay khatarta ay leedahay in ay kala dhintaan dadka muslinka ah iyo in la dhexdhigo cadaawo.

Waxaa kale oo caawa muxaadaro jeedshay Sh Dr Ahmed Daahir aweys oo ka hadlay ku sugnaanta diinta iyo Sh Mustafe Xaaji oo isana ka hadlay dulmiga iyo daalimiinta meesha ay ku danbeyndoonaa Waxaa sidoo kale muxaadaro jeedshay Sh Cali Wajis oo isana ka hadlay isku kaalmeysiga camalka kheyrka .alaha xifdiyo dhamaan culumada Nadwada ka wada magaalada Cap-town e dalka South Afrika.

Golaha dacwada ee Albayaan ee magaalada Cape Town ayaa waxay kale uu  soo bandhigeen tartan ardayda wax ka barata dugsi yada iyo Masaajida ay gacanta ku hayso Hay,adda Albayaan  iyaga oo ku tartamay Quraan waxaana aad ugu riyaaqay dad weyn ihii soo camiray Masjidka.

Culumada ayaa waxaa ay sidoo kale si wada jir ah uga jawaabi doonaan su,aalaha ay dadweynaha soo gudbin doonaa haddii alle idmo, Shabakadda wararka Halgan.net ayaa haddii alle idmo waxay idiin soo gudbin doontaa masawirada iyo muxaadarooyinka laga jeedsho Nadwada ka socota magaalada Cape Town ee dalka South Afrika ee ducada nagu soo kaalmeeya inshalaah.

Halgan.net
Cape Town

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online