Nasiixa Guud Sh.Dr.C/risaaq Maxamuud Takar.(Dhageyso)

December 6, 2011 - Written by

London:-Sh.Dr.C/risaaq Takar ayaa nasiixa guud u jeedshay iyo tacsi dhamaan umada Soomaaliyeed waxaana uu ugu baaqay ehelada iyo dhamaan culumada Soomaaliyeed in ay sabraan oo ay alle ka baqaan  dulqaadkana la badiyo. Shiikh C/risaaq Maxamuud Takar ayaa umada uga digay fitanta in ay iska jiraan iyo dhiiga muslinka Sheekha ayaa sheegay in dalka uu soo maray maraaxil kala duwan tan maantana ay u daran tahay wuxuuna ka digay dhiiga muslinka ee sida sahlan loo daadinayo .

Hoos Ka Dhageyso Kalimada Halgan.net  Sheekh Dr.C/risaaq Maxamuud Takar
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Abdirisaaq.mp3]

A/Cawale
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. ASC
    walalayal Assalamucalekum Waraxmatullahi Wabarakatuhu.
    Walalayal Alla ha naga siiyo Samir iyo iimaan wax ka kheyr badana hanoogu badalo musiibadaan nagu dhacday, balse waxaan lee yahy waxaa Allah ugu talagalay intaan ka fahmi karo Cibro inaan ku qaadano waxa dhacaya ee walalayaal aan noqono kuwo ku cibriqaata cilmi iyo caqlina ka hela waxyaalaha nagu dhacaya ama dhankasta waxa isku keen xigay xag dhaqaalo iyo xag diin, waa laba masiibo ee walalayal si xigmadi ku jirto aan u eegno oo xeel dheer.
    waxan Allah ka filayaa in uu naga aqbalay ducadeena meel kastoon joogno waxana rajeynayaa kii ka istareexa aduunka kuna nasta xayaatada uu galay inuu ka yeelo shiikheena.

  2. MAANSHA ALAAH ILAAHAY HA KA ABAAL MARIYO WAANADA XAQA AH O AAN MUGDIGU KU JIRIN, ANAGANA KU WII KU WAANA QAATA ILAAH HANAGA DHIGO, KU WA ISLAANKA ISKA LAYNAYANA JIDKA XAQA AH ILAAHAY HA TUSO OO UMADU HAKA NABADGASHO

  3. asalaamu Calaykum Waraxma,
    Walaalayaal Shiikh Dr Axmed alle ha unaxariistee wuxuu ahaa waxaa ka markhaati kacay ummaddii jinaasadiisa isugu timi iyagoon cidina balmin. taas ayaa ugu filan in la garto cida uu ahaa Sh. Dr axmed.

    Walaalayaalow waxaan anigu shakhsiyan ahaa dadka ugu dhawaa xiliyadii danbe, waxaan rajo ka qabaa in geeridiisu noqoto muftaaxul faraj oo wixii lagu dilay ay noqoto wax feedhaha ka dilaaca. dr-ka inta soomaliyi isu disho uma dhiman ee fikirkiisa iyo awoodiisa saameyneed ayuu u dhintay, waxaa jirtay in dadbadan ay ku kadsoomaan marin habaabinta ah cidkalaa wax disha ee daqiiqado kadib lagu soo qoray webka qolyaha dhimashadiisa ka hor la badheedhayey waxay culimada ictisaam noqdeen gaala raacyo. waxaa ka mudan in ay barakeeyaan maxaa yeelay waxaad shalay boorinaysay hadii la fulito sow ku farxi maysid.

    akhristaw gal webka Somalimidnim fiir sawirada dadka shirka baydhabo fadhiya. waa su,aale kuwa afku u xidhan yahay iyo kuwa wajiga furan maxaa u dhexeeya makala cadawbaa maka naf fiican yihiin??? maya qolada awajiga loo furay ee mikirifoonka loo dhiibay malaha intaas ayay meesha u joogaan. maanta xasan takar markuu leeyahay Dr Axmed waa u tacsiyeynayaa miyoo garan waayey shalay markuu lahaa ictisaam waa na khayaameeyeen in Caqliga Ictisaam iyo koolada uu ahaa Dr Axmed!!!!!!!!!!!!! saw isaga uma jeedin waxaase ka yaab badan maxaa culimo badane ictisaam loo xukumay?? waxay ila tahay ninku wuxuu diirada saaraa cida uu ku o yahay in ay tartanka kaga adkaan karto .

    ma boorinayo in cid kale oo culima ah ama caadi ah wax la yeelo laakiin shalay ictisaam shirka baydhabo wuxuu u ahaa hal kudhig maantana maxxaa is bedelay?? waxaa shaki galay in ay dhaawac ku noqon doonto qolyihii hawshaa waday ?? armaa shirku ahaa in hordhac looga dhigayo dhacdaaa foosha xun.

Leave a comment

*