Somali Islamic Altaqwaa network oo tacsi u diraya eheladii Dr Ahmed Xaji C/raxmaan

December 6, 2011 - Written by

London:-Anigoo ku hadlaya afka walaalaha Somali Islamic Altaqwaa network iyo Walaalaha Qolka Tele Conferenceka 114 waxaan tacsi u diraynaa.Dhamaan Shacabka Muslimiinta ah ee kunool caalamka dhamaantiis, Gaar ahaan shacabka soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday walaalkeen Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaaan, waxaan kale oo tacsi gaara gaarsiinaynaa eheladii xaasaskii iyo caruurtiisii uu ka tagay, waxaana Allaah SWT uga baryaynaa inuu sheekha ka waraabiyo xawdka nabiga csw kana mid dhigo martida Allaah swt sida nabiyiinta, run sheegayaasha, shuhadadda Allaah swt iyo inta toosanba Allaahuma aamiin.

Run ahaantii welwel badan iyo walbahaar bay nagu keentay  tacsidan la soo daristay walaalaha muslimiinta ah, waxaana ka carabaabi karnaa culimadii na soo booqdatay kana hadashay majliska aan ku furnay tacsidaan:

Sh Al Waalid Sh Yuusuf Aadan Qaadi, Sh Al Waalid Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar , Sh Dr Cabdirisaaq Maxamuud Takar, Sh Maxamed Idiris Axmed, Sh Dr Maxammed Sh Cismaan, Sh Cabdulaahi Sh Xambali X Cabdi Suldaan, Sh Cabdiqani Qardhaawi, Sh Maxamed Sh Cabdulaahi Kaariye, Sh Tawakal Yuusuf, Sh Axmed Nuur, Sh Dr Cismaan Cali Faarax, Sh Cabqulqaadir Cali Cambe. Sh Maxamuud Sh Xasan Abu Dalxa, Sh Mahad Daahir Sheekh Abu Fahad, Sh C/Raxmaan Abyad, Sh Maxamed Cabdinuur Casoowe, Sh Axmed Mikail.

Waxaa kale oo madashaas ka hadlay culimaa’u diin, waxgarad, arday, iyo walaalo maamul ka ah markazyada kala duwan ee kuyaala dacaladda iyo daafaha aduunka.

Culimaa’u diin iyo ducaad badan bay u suurto gali wayday inay ka qayb qaataan barnaamijkaan iyo tacsi diridan, marka waan ka raali galinaynaa intii aanay u suurto galin.

Waxaan ugu dambayntii Allaah swt uga baryaynaa in walaalkeen, sheekheena  uu janadda firdowsa ka waraabiyo, eheladi iyo qabaabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan u ka siiyo.

Anaga oon ku hadlayn wax aan Allaah swt ka raali ahayn waxaan leehayn:

Indhuhu waa ooyayaan, qalbiguna waa murugoonayaa, hibadda Allaah swt bixiyona isagaa ceshan kara.

Waxaan mahad u celinayaa walaalihii ka soo qayb galay tacsidda walaalkeen iyagoo gudanaya waajibaadkii Allaah swt saaray.

Waxaan mahad u celinaynaa Allaah swt intaas oo walaalo solansiiyay inay ka qayb qaataan tacsidan, Waxaan kale oo u mahad celinaynaa Walaalaha maamulka Halgan.net oo wararka iyo isku xirka u qabilsanayd inay barnaamijkaan suurto galiso.

Walaalkeen Allaahs SWT ha unaxariisto
Xidhiidhka Culimadda Walaalaha Altaqwaa
Maxamed Ibraahim Cawad Abuuhureyra

Leave a comment

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online