Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax oo sheegay in dilka Dr.Axmed Xaaji lagu go,aamiyey shir ka dhacay Baydhabo.(Dhagayso)

December 6, 2011 - Written by

Boosaaso:-Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya hadalna ka jeediyey aaskii marxuun Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo maanta lagu aasay qabuuro ku yaal boosao ayaa  alle uga baryey Sheekh Dr. Axmed Xaaji oo ay koox dhagarqabayaal ah dileen in uu Alle u naxariisto janadiisana ka waraabiyo kuwa dilka u geystana uu calaamo deg deg ah ka soo muujiyo.

Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa xusay in marka Sheekh.Dr Axmed Xaaji la dilay uu soomanaa soona tukaday salaadii subax isagoo ku jiray maganta alle  Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa si cad u sheegay in dilka Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan lagu go,aamiyey shir ay ururka Al-shabaab ku yeesheen magaalada Baydhabo.

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax waxa uu hadalkiisa ku cadeeyay in dilka Sheekh Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan uu ku yimid sida laga war qabo go’aamadii ka soo baxay shirkii ay Al shabaab ku yeesheen Magaalada Baydhabo kuwaa oo qodobadii laga soo saaray ay ka mid ahayd in la laayo Culimada aan la fikirka ahayn Al shabab, waxa uu Sheekh C/qaadir ku baaqay in ay lagama maarmaan tahay in la iska qabto dadka falalka cayn kaas ah geysanaya ee sheeganaya in ay Muslim yihiin haddana.

Hoos ka Dhagayson hadalkii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha dhowree.

[audio:http://www.halgan.net/Mp3/shcabdulqadir.mp3]

Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax aya ku tilmaamay ben abuur iyo wax aan jir in dilka Shiikh Dr Axmed loo tiiriyo PIS Sheekh ayaa si caro leh u yiri xogta waa haynaa wax na nagama qarsoona , Sheekh Cabdulqaadir ay ku baaqay in loo diyar garoobe kuwa dad ka Muslinka dilka ku dhameeyey haddana maraya in culimadii ay dilaan.

Waxaa kale oo goobta isna si kulul uga hadlay Sheekh Daahir Aw Cabdi oo isna si la mid ah Sheekh C/qaadir uga hadlay

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online