Sh C/raxmaan Abyad iyo Sh Maxamuud Abu Dhalxa Sh Crisaaq Takar oo ka hadlay dilkii Dr Ahmed Xaji

December 5, 2011 - Written by

Denmark:-Sheekh C/raxmaan Abyad ,Sh.Maxamuud Abu Dhalxa iyo Sh.C/risaaq Takar ayaa si qiimo leh uga hadlay dilkii ay dhagarqabayaasha ay u geysteen Shiikh Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan iyaga oo ugu baaqay umada islaamka ee Soomaaliyeed iyo eheladii Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan in ay sabraan.

Culumada iyo Ducaada ayaa habaar dul dhigay kuwii dilay Sheekh Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan ,Waxaa sidoo kale ka hadlay dilka Sheekh dr Ahmed Xaaji C/raxmaan culumo aan la soo koobi karin kuwaas oo isaga marqaati kacay kuwa dilay Dr Ahmed in ay sharwadayaal yihiin baneystay dhiiga muslinka ah.

Sheekh C/risaaq Takar oo ayaa si qoto dheer uga hadlay xurmada dhiiga muslinka iyo khatarta in ruux muslin ah inta la tuhmo ka dibna la dilo Sheekh C/risaaq Takar ayaa tacsi u diray dhamaan qaraabadii iyo Culumada Soomaaliyeed wuxuuna alle uga baryey Dr ahmed Xaji in uu janada Fardowso ka waraabiyo.

Tawjiihaadka Culumada waan idiin soo gudbin doonaa Inshalaah dhawaan.

C/casiis Maxamed
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. asalamu calaykum waxaan marka hore u tacsi u dirayaa ehelkii u ka dhintay dr ahmed iyo umada somaliyeed u ka dhintay waxaan aad uga xumahay in culimada la laayo maxaa yelay waa indhaha bulshada hadii dadka aqoonta leh la laayo yaa soo haraya waa su’aal aan rabo in aad is waydiisaan?

  2. لكل الحزن أبكيه **** وبالعاهات أرثيه
    ودمعي فاض من عيني **** تحذر في مآقيه
    أحقا مات عالمنا _ أحقا سرت باكيه
    فقيد الأمة الغراء **** بات الكل ناعيه
    فكل الناس تعرفه **** وتعرف صدق خافيه
    فلن ننسي مواقفه **** ونصحا كان يصديه
    وعلما مثل البحر *** ماجفت شواطيه
    ونور درب في المدياع **** قد كنا نواسيه عزائي حين أفقده**** عزائي في فتاويه
    فصبرا أمة الصومال ****صبرا يا محبيه
    وصبرا إن اتي أمرا *** قضاء الله قاضيه
    وإن غابت ملامحه **** فما غابت معانيه
    وإن لفوه في كفن **** بات القبر حاويه
    فأسأل ربي الرحمن **** يجبر كسر باكيه
    ويرحم من قد فقدناه **** وبالرضوان يرضيه
    ءأبكيه ْأرثيه ****** وهل ما قيل يكفيه
    ألا ياإخوة الصومال **** لا يكفي مراثيه
    فقوموا واطلبوا **** للعلم والإخلاص فانيه

  3. inaali laahu wainaa ilayhi raajucuun ilaahay haunaxariisto sh dr axmed xaaji cabdiraxmaa ilaahay janadii haka warabiyo qabrigiisana ilahay hau waasiciyo eheladii uu katagayna ilaahay samir iyo iimaan hakasiiyo

  4. السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
    marka hore waxaan u tacsiyadeenayaa umada soo maaliyeed oo dhan iyo intii muslimiin ah iyo ehelada iyo qaraabada uu ka xijaabtay marxuum sheekh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan allaah ha u naxariisto qabrigana allaah ha u waasiciyo allaahuma aamiin aamiin aamiin
    Tankale waxaan lee yahay dhamaan walaalaha muslimiinta soona iyo duco hala badiyo wallaahi waa musiibo hadii culumadii dhiigooda loo soo dhacay allaah aan barino in uu culimada noo xafido quluutoodanah isu dumo kalimadoodanah is waafajiyo
    Tankale shabaabka soo maaliyeed arinkaan yeeysan ku dag dagin haka fiirsadeen in sheekh caalim ah diigiisa hadur laga dhigo arin sahlan ma ahan mana noqon karto walaalyaalow cadowga gaararka naga ah sow ma aragno suufiyo calmaaniyiin gaalo maxaan ka rabnaa culimada ma qalad baa hadii nala yiri jihaadka wax baa ka qaldan sax ma intaas ayaan ku xalaalsaneeynaa dhiiga culimada waxaan og nahay in xanta culimada ee tahay sun diigooda muxuu noqon???????????????????????????????

Leave a comment

*