Sh C/raxmaan Abyad iyo Sh Maxamuud Abu Dhalxa Sh Crisaaq Takar oo ka hadlay dilkii Dr Ahmed Xaji
December 5, 2011 - Written by
Denmark:-Sheekh C/raxmaan Abyad ,Sh.Maxamuud Abu Dhalxa iyo Sh.C/risaaq Takar ayaa si qiimo leh uga hadlay dilkii ay dhagarqabayaasha ay u geysteen Shiikh Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan iyaga oo ugu baaqay umada islaamka ee Soomaaliyeed iyo eheladii Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan in ay sabraan.
Culumada iyo Ducaada ayaa habaar dul dhigay kuwii dilay Sheekh Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan ,Waxaa sidoo kale ka hadlay dilka Sheekh dr Ahmed Xaaji C/raxmaan culumo aan la soo koobi karin kuwaas oo isaga marqaati kacay kuwa dilay Dr Ahmed in ay sharwadayaal yihiin baneystay dhiiga muslinka ah.
Sheekh C/risaaq Takar oo ayaa si qoto dheer uga hadlay xurmada dhiiga muslinka iyo khatarta in ruux muslin ah inta la tuhmo ka dibna la dilo Sheekh C/risaaq Takar ayaa tacsi u diray dhamaan qaraabadii iyo Culumada Soomaaliyeed wuxuuna alle uga baryey Dr ahmed Xaji in uu janada Fardowso ka waraabiyo.
Tawjiihaadka Culumada waan idiin soo gudbin doonaa Inshalaah dhawaan.
C/casiis Maxamed
Halgan.net

.gif)

