Sh.Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo saaka lagu dilay magaalada Boosaaso

December 5, 2011 - Written by

Boosaaso:-Shiikh Dr.Axmed Xaaji  ayaa saaka lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta  Gobolka bari ,dilka Shiikha ayaa dhacay abaarihii  05.oo salaadii subax ka dib markii uu Shiikhu ku soo tukaday Masjidka Xassan Bin Cali, dilka shiikha ayaa ka dhacay Agaagaarka Xaafada Raf iyo Raaxo .

Dilka iyo in la u gaarsan doono culimada Soomaaliyeed ayaa ahayd wax la filayey sidii ka dhacday dalal badan oo ay ka mid tahay dalka Jazaa.ir oo ay ka kaceen kooxo xadgudbay oo ku abtirsanayey ururo Islaami ah ka dibna  si sahal ah u burburay ka dib markii ay dileen culimadii dalka Jazaa.ir qaarkood.

Dilka Shiikh Dr. axmed Xaaji allaha u naxariisteen ayaa ku soo beegmay xili qaar ka mid ah madaxda ururka Al-shabaab ay ku qabsadeen Magaalada Baydhabo shir  shirkaas oo rag ka qayb galay oo uu ugu horeeyo Shiikh Xassan Maxamuud Takar  uu ka dhawajiyey eryo dhiiri gelinaya in la dilo culimada Soomaaliyeed qaarkood  oo uu u arkayey in ay uga fikri duwan yihiin qaabka loo maareynayo xaalada murugsan ee dalka Soomaaliya, madasha uu hadalkaas uga dhawaajiyey waxaa goob joog ka ahaa   Sh Xassan Daahir Aweys , Shiikh Jaamac Cabdisalaan Warsame, Sh Cabdullahi Cali Xaashi Shiikh Cabdullahi Raabi oo aan ka hadal arrinta wadaadku ka hadlay oo khatarteed leh taas oo shaki  badan abuuraysa.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa xalay qabtay muxaadaro uu uga digayo in la abuurto been ka dibna lagu xalaashado dhiiga dadka muslimiinta gaar ahaan culimada arrinkaas oo uu shiikhu ku tilmaamay arrin khatar ah oo lagu marin habaa binayo dhalinta yar yar ee soo koraysa.

Sh.Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee ugu waaweyn  ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin cida sida rasmiga ah uga danbaysa dilka Shiikha balse waxaa la filayaa in culimada ku sugan magaalada Boosaaso ay ka hadli doonaa dilka Shiikha ,Allaha u naxariisto Shiikh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ay dileen kuwa cadow ku ah diinta Islaamka ,dilka Shiikh Dr Axmed Xaaji Cabdi raxmaan ayaa waxaa ii xaqiijiyey Shiikh Cabdulqaadir nuur Faarax oo ku sugan magaalada Garoowe oo aan khadka teleefanka kula hadalnay.

Dilka Shiikha ayaan saacadaha soo socda ku faahfaahin doonaa wararka danbe haddii alle idmo.

Halgan.net

36 Comments so far

Leave a comment

  1. Ilaahay ha u naxariisto Dr. Axmed, masjid Rowda bosasso muxdaro uu mar ku qabtay waligay hilmaami maayo. wuxuu ahaa nin daacad u ah ummada Somaliyeed. Nabad galyo la aan, qabilaysiga, iyo maamul-xun oo aan ku salaysnayn hadaf fog….ayaa wayahaaba sababay in rag badan oo qiimo leh in ey layaan dad aan ilaahay aqoon. Qadarta rabi ayaa hir gali, gaalo iyo munafiqiin iyo qabiiliyiintu hoog ayey ku dambey doonaan inshallah.

  2. INNAA LILLAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
    INNAA LILLAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
    INNAA LILLAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

    Intaa ka dib walaalayaal intiinna gudaha Boosaaso joogta waxaan kula talin lahaa ineey si adaga u dalbadaan in hay’adaha iyo dadka wax galka ah intuba ay baaris sameeyaan si loo ogaado xaqiiqda cidda ka dambeeysa dilka Sheekha (naxariistii Janno ALLAHA siiyee). Waxaan ka baqayaa ineey arrini ku dhammaato tuhun la tuhmayo koox gaar ah oo meeshaa ay iska mushaaxayaan kuwii diley Sheekha. Intaasi waa iga talo.

  3. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
    WAA GEERI NAXDIN LEH OO U SOO HOYOTAY UMADA ISLAAMKA AH GAAR AHAaAN UMADA SOO MAALIYEED WAXAN LEEYAHAY SHACABKA SOOMALIYEED OO KAASHANAYA CULIMADEENA WAA IN LAYSKA QABTO NIMANKA DHIIGA ISLAAMKA KU DABAALANYA 24/7 MEELA LOOGA SOO WADA JEEDSADO ILAHAY WAXAN OOGA RAJAYNAYAA MARXUUMKA INUU NAXARIISTII EEBE KU MANAYSTO DAMBIDHAAFNA SIIYO INANA SAMIR IYO IIMAAN NAGA SIIYO GACAN KU DHIIGLIHIINA ILAAHAY CADAALADA HORKEENO

  4. إنا لله وإنا إليه راجعون .sheekha ALLAHA unaxariisto samir iyo iimaan buuxa ALLAHA inaga siiyo asaganajanadii fardoowso rabi ha siiyo aamiin aamiin ammin إنا لله وإنا إليه راجعون

  5. إنا لله وإنا إليه راجعون إن لله ما اعطى وله أخذ وكل شيئ عنده بأجل مسمى رحمك الله وأدخلك الله فسيح جناته فقد ربح سيعيك بإذن الله قتلتك يد ظالمة في صبح مبارك باكر عقب صلاة الفجر الذي هو وقت اغتيال الخلفاء والصحابة الكرام الله أكبر كم فضائل اجتمع هذا الشيخ الجليلل رحمة الله عليه ووسع الله قبره ,يا شباب الادعووة هلموا لانقاذ ما بقي من علمائنا في الايادي الغادرة ولا بد بد أن نتضامن مع كل علماء في كل أرض الصومال علمائنا هم قادتنا فعلينا أن لا نرضى أ ن تغتالهم يد فاجرة

  6. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN, ALLAHUMMA’ JURNAA FII MISIIBATINAA, WAKHLUFNAA KHAYRAN MINHAA. allaah ha u naxariisto shiikhanaa dr. ahmed xaaji C/raxmaan,anagana ha nooga daba naxariisto aamiin. dhammaan umadda muslimka ahna allaah haka siiyo samir iyo iimaan.Waxase wax aad looga naxo ah fitnadan cusube hadda ku bilaabantay soomaaliya. cadowga ilaahay ee culimada laynayana waxan leenahay calayhim minallaahi maa yastaxiqquun.

  7. INAA LI LAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN
    ILMAA IGA SOO DAADATAY MARKAAN WARKAN AKHRINAYAY SABABO BADAN DARTOOD ILAAHAY HA U NAXARIISTO SH. DR. AXMED XAJI C/RAXMAAN WAXAAN SHAKI KU JIRIN CIDDA WAXAAS FULINAYSA IN AY DUULAAN KU YIHIIN DIINTA ISLAAMKA BOOSASONA ANIGU MID BAAN KU NACAY QOF KASTA INTA LA DILO BAA LA DHAHAYAA CIDII DISHAY LAMA ARKAYN AMA LAMA GARANAYO WAAR BOOSASO XILIGII IIGU DAMBAYSAY SAWTAY ZAXMADA LA CIIR CIIRAYSAY OO DADKU KA BATAY SIDAAN LOO ARKAYN QOFKA WAX DILAYA ?
    CALAA KULI XAAL SHIIKHANA ILAAHAY JANADII FARDAWSA HAKA WARAABIYO CULIMADA INTA SOO HADHAYNA WAXAAN LEEYAHAY WADADAAS BAAD HAYSAAN HADAAN SI DHAB AH WAX LOOGA QABAN CIDDA IDIN QADHAABANAYSA

    INAA LI LAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

  8. إنا لله وإنا إليه راجعون إِنَّ لِلَّهِ مَا أَخَذَ وَلَهُ مَا أَعْطَى وَكُلٌّ عِنْدَهُ بِأَجَلٍ مُسَمَىً فَلَتَصْبِرْ وَلْتَحْتَسِبْ
    Ajashiisaa dhamaatay, waase lagu cadaab mudanayaa. Inteena uu ka tagayna waa lagu imtixaamayaa!
    Waa in la soo cadeeyo cidda ka dambaysay, kolay wadaadoow idinku u aari maysaane waxaad ku dhakhsataan inaad u tolki u gudbisaan cidda dishay intaysan konton meelaha ay malaynayaan ah ka gaarsiin, sida lagu yaqaan!
    Nimanka la sheegay magacyadooda ee ama ka hadlay ama joogay meesha looga hadlay waa in iyagana war dagdeg ah laga helaa intaan dhulku hoostooda uga ololin.
    Allow nooga farxi kuwii ka dambeeyay oo cadaalad dhaw ay noqotaa.

  9. Asc sheikha Allaah ha u naxariisto gacan ka xaqdaran baa dishey. Culimada Al ictisaam waa inay mowqif ka qaataan khawaarijta dhiiga dadka muslimka xalaashaday sida culimada Salafiyiinta ah mowqif uga qaaten . Sh Abdikarim hasan xoosh, sh cukaasha, dr cusman macalin, sh barbaraawi iyo kuwa kale oo badan oo umada u cadeeyey khatarta Khawaarijta sharkooda allaah ha ku bixiyo dhexdooda

  10. إنّا لله وإنّا إليه راجعون اللهم أجرنا في مصيبتنا واخلف لنا خيرا منها ( آمين )
    SH.AXMED WAXUU AHAA SH.KHAALI AH ILAAHAY JANADII FIRDOWSA ALLAHA KAWARAABSHO. ANAGANA ALLAH SABAR NAGO SIIYO

  11. inaalilaah wa inaa ilayhi raajicuun .. alaa yaabkaanna manoo danbeeyey in culimadeena la laayo oo mawaxa la raba in na loo reebo dad aan wax garad ahayn oo sey raban dhulka ka yeelaa?? Ilahayo shekha janada firdawsa geey cidi ka danbeysayna cuqubo dag dag ah ku rid aamiin.. waxan waa wax faraha ka baxay mahanna wax loo dulqaadan karo innnaba hala ekaatee

  12. Inaa Lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun, waa war aad looga naxo, waana calaamadaha saacada mid ka mid ah.
    Shalay haday Bosaso gubatay oo faqriday, maanta waa agoontoowday, oo nin qiimo badan ayaa ka hoyday. Waxaa soo baxaya dalool aan la heli doonin cid buuxisa.

    Allaha u naxariisto Sh. Axmed, ehelka iyo dhamaan Muslimiintana Allaha ka siiyo sabir iyo iimaan.

    Mukhtar Sheikh Osman
    London

  13. inaalillaahi wa inaa ileyhi raajicuun allaha naxariisto janatul farduus allaha kawaraabiyo

  14. inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajicuun

    ilaah ha u naxariista dr. sheekh axmed

    Waxaan leeayahay culumaa udiinka soomaaliyeed yaan la sahlan arintaan khaasatan culimada joogta waqooyi bari iyo waqooyi galbeed waan culimada waa in la difaacaa taxadir aad iyo aad u badan la suubiyaa waxaan ku jirnaa waqti adag mana ahan in wadanka looga haro nimankaa shabaabka ah iyo maamuladalada wadanka jira iyo kuwa dowlada sheegtay ee xamar fadhiya

    ilaah kheyrka hana waafajiyo aamiin

  15. Inaa llaahi wa Inaa ilaahay raajucuun wallaahy wax dhaho magaranayo

  16. انا لله وانا اليه راجعون اللهم اجرنا في مصيبتنا ان لله ما اخد وله ما اعطى ولك شيئ عنده باجل القلب يحزن والعين تدمع وانا لفراقك يا فضيلة الدكتور لمحزونون وسيعلم الذين ظلمو اي منقلب ينقلبون اللهم يا منزل الكتات ومجري الصجاب هازم الاحزاب يا من ياخذ اخذ عزيز مقتدر ويا من لايفلت منه الظالمون ارنا من اولئك القتلة عجائب قدرتك

  17. inaalillaahi wa inaa ilayhi rajicuun
    ilaahay marxuumka janadii firdowso hageeyo ehelkii iyo qaraabadii uu katagayna samir iyo iimaan haka siiyo.walaahi waa musiiba weyn oo maanta reer puntland iyo somaliweyn iyo dhamaan ummada muslimiinta ahba kudhacday. hadaysan dadku kacdoon samayn o arintaan ayada ah iyo fikirkaan sumaysan kadhiidhiyin maalinkasta saasaa cumulimada, waxgaradka iyo aqoonyahanka looga laynayaa. ilaahay waxaan karajaynayaa indadka falalkaan waxashnimada ah kageysanaya boosaaso, gaalkacyo iyo somaliya inteeda kalaba cimrigooda soo dadajiyo oo u sahlo maamulka ineey gacanta kusoo dhigaan.

  18. INaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

    waa geer naxdin leh, waa tilmaan muujnaysa halista kusoo fool leh bulshada soomaaliyeed, waa hal door ummadeed, iyo caalim wayn oo ay wayday ummadda somaliyeed.
    waa bar madow oo saaran kooxaha fahamka qaloocan ee ka xanaaqay waanadii sheekha ee ahayd in dhiiga muslimka aan xaq daro lagu daadin, may aqbalin waana dii iyo naseexadii, manay awoodin inay xujajka iyo aqoonta u cambaarsanaa is hor taagaan, taladoodiise waxay noqotay inay dilkiisa isaga aamuusiiyaan si loo waayo cid tidhaahda ilaahay ka cabsada!!!!!.
    Ilaahay ha nacdalo kuwa dhiiga islaamka xaqdarada ku banaystay.
    sheekhana ilaahay ha u naxariisto, nin aqoon diineed iyo cibaado iyo camal dacwadeed isku darsaday ayaan u aqaanay, waxa uu maalin dhoweyd ka soo laabtay xajka oo asnad kasta tegi jirey, waxa la dilay salaad subax isagoo soo tukaday, maalintan fadliga badanee caashuuraa oo aan filayo inuu soomaanaa.
    Ilaahay ha u naxariisto, diinta ilaahay awgeed ayaa loo dilay ee ilaahay shahaadada ha u aqbalo, ummadana samir iyo iimaan ha ka siiyo cid wanaagsana ha ugu cawido, kuwii xumaantaas geestayna ilaahay calaamad ha ka muujiyo oo si degdeg ha u cidhib tiro aamiin aamiin.
    bulshada maxaa la gudboon?
    xaaladu meesha ay gaadhay eegasho ma laha, dib ha loo fekero, kacdoon ummadeed arintani kama maarmayso, ——————-

  19. Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun ilaahay.
    Masiibadaa dhacday ilaahay umada soomaaliyeed haka ajarsiiyo,isagana naxariistii jano haka waraabiy. ilaahayna waxaanu uga rajaynaynaa inuu shahaadada u aqbalo maadaama uu salaasii subax ka soo baxay dimadiisiina uu ku jiray,cidii dishay iyo cidii ku faraxda dilkiisaba waa isku dambiye ilaahay umada hakaqabto. samir iimaana Alla ha ka siiyo qoyskii,qaraabadii iyo dhamaan umada soomaaliyood oo wayday tiir ka mida tiirarkii cilmiga,

  20. انا لله وانا اليه راجعون ILAAHAY SHEEKHA HA UNAXARIISTO, DHAMAANTEENA SAMIR IYO IMAAN HANAGA SIIYO..

    WAXAAN DHAGAYSATY MID KAMID AH MUNADIRIINTA , AL SHABAAB , OO KALIMAD OO WACDI KUSHEEGAY FARAYA ATBAACDIISA , IN LA LAAYO CULIMADA AAN LAFAKARKA AHAYN , ASAGOO SHEEGAY IN AY FASAAD WADAAN , KHATAR BADANA AY KEENI KARAA , WUXUUNA YIRI ” وفي هذه الحالة يكون القاتل مجاهدا والمقتول “قد” يكون شهيدا” بئس ماقل . E
    WAAN ARAGANAA NATIIJADA , والقائمة ستطول كفانا الله شرهم.

  21. Inaa lilaalhi wa inaa illaahi raajicuun, waa Musiibo soo korartay oo muragadeeda wadata alaha u naxariist Sheekha, waxaase la yaab leh in Culimadii loo sooo dhigtay markii caamada la dhameeyay dadkiina Dalka Debada looga saaray Imaarad la dhisto ayadoo Dalku maran yahay!!!

  22. إنا لله وإنا إليه راجعون إِنَّ لِلَّهِ مَا أَخَذَ وَلَهُ مَا أَعْطَى وَكُلٌّ عِنْدَهُ بِأَجَلٍ مُسَمَىً فَلَتَصْبِرْ وَلْتَحْتَسِبْ.
    ALLAAH HA U NAXARIISTO SHIIKHA, JANAATUL FIRDAWZANA HA KU ARZAAQO EHELKII, QARABADII IYO SAAXIIBADII UU KA DHINTAYNA SAMIR IYO IIMAAN HA KA SIIYO.. AAMIIN.

  23. Asc Inaalilaahi wainaa ileehi rajucuun sheikhunaa ilaahay janatulfirdowza hakaawaraabiyo allena hakugusosaaro kalimatu toowhiid qiyaamaha. ameem ameen ameen!

  24. inaa lillahi wa inaa ilehi raajicuun .
    salaadii subax ayuu soo tukadey ,waa maalin caashuuraa ah (10ka) muhharam oo inuusoonaa ayaa laga yaabaa, maxaa inoo harey marba hadii culimada la ugaarsanayo!! Alle ayaan badbaado weydiisaneynaa.

  25. allaahuma arxamhu waacifuhu wacfu canhu wakrim nuzulahu,inaa lilaahi wa,inaa ilaahi raajicuun alcaynu tadmac wal qalbu yaxzan wa,inaa la firaaqika yaa shaykhanaa la maxzuunuun,ilaahay waxaan ugu baryaynaa shahaadadaa ilaahay inuu uga aqbalo sheekha raximahu,allaahu raxtan waasicah

  26. Allaa oohin badanaa maantay, sheekha allaha u naxariisto waxaanse la yaabanahay qofka kudhiiraday dilka sheekha, muxuu qofkaas nolosha ka damacsanyahay, ma wuxuu isleeyahay waad raaxeeysan, xaqiiqda allah un baa og laakiin kooxda alshabab ayaa dhiiro galisay dhowaan leynta culumada

  27. Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun!!!!!!

    Allaha weyn oo waaxidka ah Janatul Firdows ha geeyo Sheekh Dr Axmed X. C/raxmaan,

    Khawaarijta in Layska Celiyo haddii Go’aankeeda laga Daaho waxan waa inagu Badanayaa , waxaan Go’aan qaadan Doonaa Mar ayna Culimo inoo Harin , Markaana Shaydaan Baa Culimo inoo Noqon , Inta ayna Nimanku Culimada inaga Dhamayn aan Dr. Ahmed Go’aan ku Qaadano oo aan Khawaarijta Layno. Culimadana Ha iska Daayaan Muyuucada oo Ha Fadwoodaan in Nimanka Layska Celiyo.
    Nimanka Ha la laayo oo ha Layska Celiyo, Arinkaa yaan Lagau Taradudin,

  28. Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun!!!!!!

    Allaha weyn oo waaxidka ah Janatul Firdows ha geeyo Sheekh Dr Axmed X. C/raxmaan,Allaahuma aajirnaa fii musiibatinaa wakhluf lanaa kheyran minhaa.Allow musiibadaan ajar naga sii, kuwa dilkaas culimada ku dhiiradayna, da’yartana aduun iyo aakhiraba ku dhaafiyay oo Diin uga dhigay inay Ummada Soomaaliyeed iyo culimadeeda laayaana, Illaahay abaalkooda ha mariyo, Ummada Soomaaliyeedna waa inay u istaagaan siday culimadooda ugu daba safan lahaayeen oo looga hortagi lahaa qoladaas munxarifiinta ah oo sufahada ah oo dal iyo dadba baabi’yay.

  29. inaa li laahi wainaa ilayhi raajicuun

  30. As-salaamu calaykum ww

    Dhacdada ka dhacday Boosaao waa mid aanan marna filayn. Ilaahay jannatul firdaws ha geeyo Sh. Amed Haji C/rahman. Waxa uu ahaa nin soomaali oo dhan raasamaal u ahaa. Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Cidda dishay Ahmed iyadaa dhab ahaan dhimatay. Ilaahay waxa aan uga baryeynaa walaalkeen Janno iyo ridaha Allaah.

  31. إنا لله وإنا إليه راجعون ، نسأل الله أن يرحمه شيخنا الفاضل وأدخله في فصيح جناته ، مات الشيخ وهو صائم صلى صلاة الصبح مع جماعة وهو في دمة الله نرجو من الله أن يكتب مع شهداء .
    أما قتلت الشيخ هم عدو الإسلام وهم الخوارج . اللهم اكفنا شرهم

  32. Innaa lillaahi wa innaa Ileehi raajicuun,
    Waxaa tacsi u dirayaa muslimiinta iyo bulshada soomaaliyeed gud ahaan iyo gaar ahaa eheladii iyo qoyska uu ka geeriyooday Sh. Axmed Xaaji C/raxmaan. Waxaana uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee saaka ka soo yeedhay magaalada boosaaso.
    Illaahay ha u naxariisto sheekha, anaga sabir iyo ajar gurubsi Illaahay ha nagu irzaaqo.

  33. Inaa lillaah wa innaa ilayhi raajicuun! ilaahay wuxuu qaato iyo wuxuu bixiyaba isagaa iska leh, wax walbana agtiisa qadar bay ku socdaan” illaahay janadiisa firdawasa haka waraabsho Dr sheikh axmed xaaji c/rixmaan ee saakay ku geeriyooday magalada bosaso kadib isagoo saladi subax kaso baxay! gacan xaqdarana ay ku dishay. dhamaan ehlkii iyo qarabada. ardayda somaliyeed guud ahaan kuwii sheikha ku xirneyd ee ardaydiisa ahyed! culumada somaaliyeed iyo dhamaan dad waynaha somaliyeed waxaan leeyahay samir iyo immaan khayr qaba allaha nagas iiyo sheikh ahmed xaaji c/rixamaan. innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. allaahuma irxam sheikh axmed xaji. wa llaaxawla wala quwata illaa billaah.

  34. Assalaamu Calaykum,

    Ilaahay ha u naxariisto sh. Ahmed Xaaji Abdirahmaan. Waxaan dishay gacan ka xaq daran . Waxaa uu ka soo baxay Salaad subax iyo masjid marka la dilay. Kuwa ka dambeeyey dilkiisa ilaahay ayaa la xisaabtamaya, Waxaanse ilaahay ka baryaynaa in Rabbi calaamad deg deg ah ka ifiyo, naftana kaga baxdo si xanuunbadan oo dabadheeraata, aakhirona cadaab ku huro , kuna waaraan.
    Aamiin.

  35. Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun…

    “Ilaahay wuxuu qaato iyo wuxuu bixiyaba isagaa iska leh, wax walbana agtiisa qadar bay ku socdaan” ..

    Ilaahay jannadiisii firdawsa ha geeyo sheekh Axmed xaaji c/raxmaan muslimiintana sabar iyo iimaan ha ka siiyo…
    Laakiin waxaa la yaab leh cidda maanta ku dhiirratay dilka nin ka mid ah culimada ilaahay ee diintiisa fidinteeda u taagnaa…
    Wallaahi waa musiibo aan hore usoo marin shacabka soomaaliyeed oo ugub ah, in dil bareer ah loo geysto qof culimo ah oo ka mid ah tiirarka ummadda soomaaliyeed taagan yihiin,, tolow maxaa loo daliishan doonaa dilkaas isaga ah, waxaan shaki ku jirin in qof qof muslim ah xaq darro ku dilay uu yahay mid dhuldarsaday oo aan dhul iyo ciriba qaadeyn dhagartiisa waliba marka culimo ay yihiin waxa la dilay ka sii daran.
    waxaaba musiibadu kasii weyn tahay hadii dilkaani diin ahaan loo geystey oo uu salka ku hayo waxyaabaha aan waayahaan dambe maqleynay ee dhegahayaaga ku dhacayey, hadallada naxdintu ka muuqatey ee kasoo yeerayey jihooyin isu muujinayay inay diinta alle u nusreynayaan, kuwaas oo si aan daah saarneyn ugu dhawaaqayey waxyaabo dhiirrigelinaya laynta culimada, dorraad ayaan dhegeysanayey markii wadaadka sheekh xasan takar la yiraahdo uu lahaa qaar ka mid ah culimada soomaaliyeed waxaa ay ka khatarsan yihiin gaalada lala dagaalamayo….laa xawla walaa quwwata illaa billaah, maantana tan baa dhacday,

    miyaa wakhtigani yahay wakhti waxyaabahaasoo kale la dhiirrigeliyo, xilligaan uu dhiigii muslimku ka rakhiisnaadey xabbadda yaanyada ah, saw ma aha wakhtigii waxyaabaha fitanta iyo dhiig muslim daadintiis laga taxruzzi jirey. Hadal waxaan kusoo koobayaa sheekh Axmed c/raxmaan (Raximahullaah) waa jabal ummadda soomaaliyeedi weyday oo ka baxay waxaase wax la hubo ah in indhaha rabbi ee aan seexaneyn aysan ka qarsooneyn shakhsiga dilkiisa geystay, waliba maalin xaisaabeed ka dambeyso…Ilaahayow u naxariiso sheekhanaga qaarabo iyo ehel toona ma wadaagno laakiin ilaahay dartiis ayaan u jeclaa…..”qalbigu waa murugoonayaa indhuhuna waa ilmeynayaan, mana oraneyno wax aan ilaahay raalligelintiisa ahayn”…

  36. waa aahkiri saben oo dad aqoonta diinta u leh saas baa loo dhameyn ee ilaah ha u naxariisto gacan ka xaqdaran buna ku baxey ee muxadarooyinkii u dambeeyey ee uu jeediyey waxay ku sabsanayeen halkaa waa laga ogan karaa hadaladiisii!

Leave a comment

*