Sh Xasaan Xusen oo sheegay in la garanayo xogna uu ka hayo cidii dishay Dr Ahmed(Dhageyso)
December 12, 2011 - Written byNairobi:-Shiikh Xassaan Xuseen Aaden ayaa waxaa uu ka hadlay markii ugu horeysay dilkii allaha u naxariisteeb Shiikh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo lagu dilay isbuucii la soo dhaafay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, Sheekh Xasaan ayaa sheegay in sheekha ay dileen 3 nin waxaan hadalkiisa ka mid ahaa “Aniga hadda xogta isoo gaaraysa, Sheekh Axmed wadaado ma aysan dilin, arin famili baa loo dilay, saddex nin baa dishay, haddana waxay ku sugan yihiin Gobolka Galgaduud bay u gudbeen, Gal-Mudug bay ka gudbeen Puntland-na ma joogaan.
Waa xog aad u wanaagsan haddii Sheekh Xasaan Xusen uu ogyahay cida dishay Sh dr Axmed Xaaji wuxuuna sheegay in ay soo gaartay in ninka Shiikha dilay ee gacantiisa leh, in ay ilma adeer ruma ah yihiin PIS-ta ninka u weyn ee ina Khaliif la yiraahdo ” Laakiin waxaa is weydiin leh Sheekh Xasaan ma u shafeeci doontaa hadalkan xili laga hayo in uu fatwooday in la dilo oo umada la dhaafiyo kuwa ka soo horjeed halganka ay wadaan ama Jihaad Al-shabaab.
Shiikh Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan cid walba waa taqaan waxaa yaal codadkii iyo Nadwooyinkii uu ka qeyb galay iyo bayaanaad kii ay culumada soo saareen oo uu xubin ka ahaa ay ku sheegeen ijtihaadkooda in dagaalka ka socda Muqdisho ama soomaaliya uu yahay mid fitno ah.
Halkan Ka Dhageyso Sheekh Xasaan oo ka hadlaya dilka Sheekh Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan.
[audio:http://www.halgan.net/Mp3/shxassaan3.mp3](xuquuqada codka S/ Memo.
Shiikh Xasaan Xuseen ayaa qaba in la dilo oo umada la dhaafiyo cid kasta oo ka soo horjeeda halganka dunida ka socda su,aashu waxay tahay halgankee ? yaa weeeye culumada Halganka ka soo horjeeda ? waa su,aal laga rabo in uu ka jawaabo Sh.Xasaan , Sh. Xasaan ayaa yiri “Aniga mowqifkayga ku aadan wadaadadda halganka maanta dunida ka socda colka la ah ee la dagaala maya, anigu waxaan qabaa aduunkaba in la dhaafiyo, hadda ka horna waa idiin sheegay li’ana fitnaday ummadda ku hayaan baa ka daran.
Ma lihi waa gaalo, Ma lihi dhiigoodaa banaan asaalatan, laakiin fasaadka ay halganka iyo ummadda ugeysanayaan ayaa wax kastaba kadaran.ayagu inay muta-awiliin yihiin baa laga yaabaa oo aakhara aan lacadaabin oo aaney naarba tegin baa laga yaabaa, laakiin ta,wiilkaagu wuxuu kuu cudurdaarayaa cindallaahi Subxaanuhu watacaalaa oo wax kuu taraayaa laakiin fasaadka aad dunida geysey inuusan waxba kuu qaban baa laga yaabaa sidaa darteed meeshan oo kale waxaa layiraahdaa Alqaatalu Mujjaahid Wal maqtuulu shahiid.
Kii wax dilayna waa mujaahid kan la dileyna waa shahiid mays qaban kartaa? waa isqaban kartaa waxaa laguu dili fasaatka hadalkaa kadhalan iyo fatwadaada ka dhalan iyo duri taanka kadhalan iyo burburka ka dhalan.Laakiin maadaama aad muta,wil ahayd oo daliil waxaad moodey aad daliil uqaadatay oo sidanina ay kula qumanayd Illaahayana aad ugu dhowaanaysey illaahay subxaanahu watacalaa inuu kuugu cudurdaaraa laga yaabaa, laakiin sharkaagaa aduunka lagu dhaafinayaa umadda.
Sidaa darteed baa lialqaatil mujaahidun wal maqtuul shahiid taas waxaa soo hoos geli ruuxa muslimkaa oo gaalo ku dhexdhinta oo aan la ogeyn kaas isaga xaqdaraa lagu diley laakiin maanan ogeyn kii wax diley waa mujaahid kan ladileyma waa maxay ? waa shahiid liana isagu sabab meesha kuma lahayn oo mudarib maahayn mujaahidkuna ma ogeyn mujaahidka waxba looma haysto asagana waxba loomahaysto haduusan gaalada lasafnayn.
Halkan hoose kadhegeyso codka Sh Xasaan Xusen
[audio:http://www.halgan.net/Mp3/xasaan1.mp3]
Sheekh Xasaan ayaa waxaa kale oo laga hayaa in uu si cad oo aan ka leexad lahayn uu u yiri mar uu ka hadlayey rag culumo ah oo salafiyiin ah oo uu ka mid yahay Sh Ahmed Imaam wuxuu fatwooday in la dilo Ahmed imaam maraakista ay hayaan culumada uu ku sheegay Salafiya Jadiidana la dumiyo.
Hoos ka Dhageyso codka Sheekh Xasaan Xusen oo ka hadlaya Sheekh Ahmed Imaam
[audio:http://www.halgan.net/Mp3/xasaan2.mp3]
Waxaa taas ka daran in Sheekh Xasaan laga hayo in uu yiri Sheekh Cumar Faaruuq in aan gaaleysiino waxba naguma ah,Sheekh Xasaan Xuseen ha ogaado culumada iyo ardayda in ay wax kala garanayaan dilka Shiikh Dr.Ahmed Xaaji waxaa diyaarshay fatwooyinka Shaadka ah ee aad dhalinta u qeybisay kuuna shafeeci meyso tacsi aad dirto , Ehelada Shiikh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan cidna u yeerin meyso cida dishay Shiikh Dr Ahmed allaha janada ka waraabshee.
Waxaase yaab leh xogta uu hayo Sheekh Xasaan Xusen oo jooga Nairobi oo aysan culumada Puntland joogta aysan hayn sida Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Allaha dhowree iyo culumada kale talow Xasaan ma wuxuu ka mid yahay Al-shabaab xageese xogtaas ka helay ? ileen wax eedeynta loo jeediyey waa ururka Al-shabaab qaybtooda amniyaadka.
Ugu Danbeyn waxaan ku afmeerayaa qof walba oo ka qeyb qaatay dilka Shiikh Dr. Ahmed Xaaji Cabdiraxmaan ha aahto kuwii ku faafiyey baraha internetka in culumada Ictisaam iyo gaar ahaan Sh Dr Ahmed Xaaji ay lacag sako u gureen Maamulka Puntland iyo kuwa siiyey dhalinta aan diinta aqoon fatwooyinka tooska ah ama talmiixinta ah iyaga ayaa diyaarshay jawiga lagu dilay Shiikh Dr Axmed allaha u naxariistee iyo culumo kale sida Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Tahlii iyo Sh. Maxamed Muumin.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net

.gif)

