Sh.Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay dilkii Dr Ahmed Xaji C/raxmaan(Dhageyso)

December 6, 2011 - Written by

Muqdisho:-Sh. Bashiir Ahmed Salaad oo ah Guddoomiyaha ururka Ictisaam ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dilkii Sh.Dr Ahmed Xaji C/raxmaan oo saaka lagu dilay magaalaa Boosaaso ee xarunta Gobol ka Bari, Sheekh Bashiir Ahmed Salaad ayaa sheegay in ay tuhunsan yihiin culumo dhowr ah oo kulan ku qaatay magaalada Baydhabo ka dib markii ay  tuhmeen  culumadii Soomaaliyeed kuna sheegeen in ay gaalo u shaqeeyaan oo ay ku saf yihiin wuxuuna ugu baaqay in ay alle ka baqaan.

Sheekh Bashiir Ahmed Salaad ayaa sheegay in ay aduun iyo aakhiro ay u heystaan dilka Shiikh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

1-Sh Xasan Daahir Aweys
2-Sheekh C/laahi Raabi
3-Sheekh C/laahi Cali Xaashi
4-Sheekh Xasan Maxamuud Takar

Sheekh Bashiir Ahmed Salaad ayaa wareysi kooban siiyey  Idaacada VOA Hoos Ka Dhageyso Wareysigii Sh Bashiir Ahmed.

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/ShBashiir.mp3]

VOA

11 Comments so far

Leave a comment

  1. ASC
    ALLAH JANNATUL FIRDOWS HA GEEYO SHEEKHA. ALLAH ISAGAA OG CIDII DISHAY SHEEKHA, HADDII SE AY MUSLIM SHEEGTAAN WAXAAN KULA TALIN LAHAA IN AY ISA SOO DHIIBAAN OO LAGA OOFIYO, SIDAAS BAA U ROON ILLAA ILLAHAY WUXUU U BALLAN QAADAY CADAAB UU KU WAARAYEE. HADDII AY DILEEN DADKA ASHAHAADO LA DIRIRKA AHINA, ILLAHAY AYAA BADBAADIN KARA DADKA MUSLIMIINTA AH.

  2. ASC,Inaalillaahi wa inaa illaahi raajicuun, allah jajatul firdowsa ha geeyo shiekhunaa Dr ahmed haji abdirahman, shacabka soomaaliyeed bay indhaha ka tireene allah si deg dega ha u soo qabto ku wii dilay mucjisana ha ku rido.culimada allaah ha inoo xifdiyo inta hadhay, hanalaga barto cilmiga culumda wakhti aad u xun baa lagu jiraa ikhwaanii kala hadha dhaxalkii rasuulkeena culumadeena, allah ha ino xifdiyo kuligeen, aamiin.

  3. Ilaahay naxariistii jano ha ugu deeqo sheekha waxa kale shacabka soo meeliyeed waxaa soo food saartay musiibo cusub gacmaha is qabsada aana kawada hortagno dadka mustaqbalkii umada laynaya waa inaan amaanka culimada ladhayalsanin lana sugo amaanka intii karaankeena ah ilaahayna waxan kabaryayaa inuu noo xifdiyo inta noo hadhay rabina naga qabto kuwa maleegaya jariimooyinka

  4. asc innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun allo unaxariiso sh. dr axmed kuwii dilayna ilaahow usoo dadaji cuqubu aduun inta aakhiro kahorraysa.
    intaa kadib walaalayaal shiikhaasi insha allaah firdawsa ayuu tagey kii dileyna isagaa dambi xambaartay markaa waxaan leeyahay waxba meeshan haysku maagina ee ilaahay naxariis u waydiiya runtii looma oga si dhab ah cidda dishey sheekha laakin wadaadkii xasan takar waa loo haystaa dilka shiikha sababtoo ah isagaa fadwooday maalintii dhowayd oo yiri waa inaan cadowgeena garanaa gaalad kuwa lasocda waxaa kadaran wadaadadan markaa xataa haddii ashahaado ladirir diley sababta waa loo haystaa markaa walaalayaal ilaahay halaga baqo arrintu waxaad moodaa inay sidii jasaair ku socoto bil muxarramna waa lagu jiraaye halaysdhawro asalaamu calaykum warraxmah

  5. Shacabka Bosaaso waxaan leeyahay: nimankaan shabaab iska qabta haddi aad nolol rabtiin.
    Wallaahi thuma wallahi haddaanan iska qaban dadkaan dhiiga muslimka banaystay , dilal iyo qaraxyo badan ayay geysan doonaan.
    Shuyukhdiina way laayi doonaan.

    Marka ikhwaani haddii la arko nin dhulka miino ku aasaayo, ama koox ku hubaysan bastoolado waajibkiina waa in telefan loo dira ciidanka ama poliis.

  6. asc wr wb
    allow sakhir armaha good ahaan iyo khaas ahaan runtii waxaad moodaa in waji hor leh sheeydaan keenay waxaana leeyahay umada soomaaliyeed xasuusta xadiiskii rasuulka ( s.c.w) oo ahaan
    (من كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليقل خيرا أليصمت )
    tan kale waxaan lee yahay sheekh axmed xaaji c/raxmaan gacan ka xaqdaran baa dishay waxaana u rajeeynayaa in uu yahay shahiid insha allaah. allaah haka yeelo hooygiisa janatul firdowsa al aclaa kii nabiga scw kula rafiiqo janada rabi allaah haka yeelo aamiin anaganah allaah hanaga siiyo samar iyo iimaan badalkiisanah allaah hana siiyo aamiin.
    tan kale waxaan lee yahay dadkeenan aan cilmiga laheen culimada aan hadalkooda maqalno qofwaliba oo xooga tuuran karo culimo ma ahan culimo waa kuwa umada badbaadadeeda ka shaqeeyo iyo jiritaankeeda culimo lagu ma til maami karo amah sheekh nin doonayo in umada madaxeeda taarked laga dhigto umadana waxaa madax u ah culumaau rabaaniyiin allaah ha xafido hana idin dhooro aamiin
    tankale bahda halgan kheer allaah ha idin siiyo sida aad hadalka wanaagsan usoo tabisaan waligiina iska ilaalsha in aad ceeytan taan sida websidyada kale midna iga gaar siiyo culimada soomaaliyeed intaad halmeel ku shirtaan umada somaliyeed xal diintooda iyo naftooda eey ku bad baadi lahaayeen keena badiil gaalada iyo munaafiqiinta iyo calmaaniyiinta iyo suufida ka hortakto keena oo xaqa u istaaga 26kii sano dacwadii aad ka soo shaqeeyneeyseen yeesan dag dag ku bur burin fadlan fadlan fadlan allaah towfiiqda hana waa fajiyo aamiin.

  7. w c waxaan ka warwarsanahay cidda buuxinaysa meeshii uu banneeyay sheekhu allana ha u naxariistosheekha.
    culimadana mid baan odhan lahaa waar sheekhaasi geeriyoo oo ilaahay buu la kulmay ee xigmad ha lagu daro hana la hubsada warwarka ummadana yaan laysku dirin ee hallakalabadbaadiyo dhiiga muslimiinta

    • marka hore inaa lilaah wa inaa ilahay raajicoon marka xigtaa, ninkaagan magaca gabadhiisa dusha iska saaray. oo labaxay abuu maryan. adeerka Godane iyo kii aad ubu ga iska raacdeen meeshay joogaan baa loogu tagaya. taasina waa balan burca iyo baydhabona dabku ways qabsan doona taasi waa balan. shiikh nimo meeshan mataal ee shaydaanimo baa taal. marka axaad ogaataa alshaydaan la jir ama culimaa ku tilmaam dadkaan nagusoo duulay waa balan gacan bira in aan ku qabano. ilahay idankii. puntland dhamaan maanta tacsi baa u taal lakin mid aad ka naxdo oo ku samaysa dib bay kaa helin. ee ha sugiwaayin tageero markaas baa lagaaga fadhiyaa

      • asc wr wb
        walaasheeyda walaale nasteexa putlaan oo dhan uma taalo tacsi somali weeyn beey u taalaa tacsida tan kale walaale baa dadku ha isku darin shabaab qaar xun weey lee yihiin qaar fiicana weey lee yihiin laakiin talada laga heesto sidaas ogaaw walaale baa

  8. gaaladuga faa,iidaysatay waxayna doonaysay inay iska horkeento oo ay isku mashquulaan culimada diinta u nisbo sheeganaysa,waana u jeedkooda ugu wayn, markaa culimooy xataa hadii qaar ayqaarka kale wax ka tirsadaan idinkaan miidhyaha ka hadlin ayaad ka wada hadli kartaan ee rabigiin ka cabsada oo wada hadal khilaafkiina ku dhameeey dadka bulshadana saamayn wayn bay arintiinu ku yeelanaysaa hadaad saa ku socotaan fidnada ka dhalataana khatarteeday yeelanaysaa, allaahna waxaan ka baryeynaa inuu isukiin soo jeedo walaalnimadii iyo ikhwadiina soonooleeyo gaalada iyo cadawga islaamkana meel aynu uga soo wada jeesano ,aamiin.

    • umu yamani naagtaadan labaxday alshaydan waa la dhamaynayaa taasina waa balan. hadalkayga meel fog ku qor tan iyo burco iyo baydhabo inta ay sal ku leeyihiin waala safayn ku qor meel taas. sikastaba ha qadatee hadafkaa waa la gaari. balan weeye alshaydaan naago badan oo ay qabaan in asay loo saaro dadkii ay dhameeyeena xaqoodii laga gooyo. diintuna way qabtaa ninkii naftada iyo maalkaaga kugu soo handada in aad iska celisaa. taasina maanta umada reer puntland way u istaageen. marka hadii aad qoriga u qaadilahayd oo aad culima ku sheegilahayd waa lagaa sugayaa

Leave a comment

*