Sh.Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay dilkii Dr Ahmed Xaji C/raxmaan(Dhageyso)
December 6, 2011 - Written byMuqdisho:-Sh. Bashiir Ahmed Salaad oo ah Guddoomiyaha ururka Ictisaam ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dilkii Sh.Dr Ahmed Xaji C/raxmaan oo saaka lagu dilay magaalaa Boosaaso ee xarunta Gobol ka Bari, Sheekh Bashiir Ahmed Salaad ayaa sheegay in ay tuhunsan yihiin culumo dhowr ah oo kulan ku qaatay magaalada Baydhabo ka dib markii ay tuhmeen culumadii Soomaaliyeed kuna sheegeen in ay gaalo u shaqeeyaan oo ay ku saf yihiin wuxuuna ugu baaqay in ay alle ka baqaan.
Sheekh Bashiir Ahmed Salaad ayaa sheegay in ay aduun iyo aakhiro ay u heystaan dilka Shiikh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
1-Sh Xasan Daahir Aweys
2-Sheekh C/laahi Raabi
3-Sheekh C/laahi Cali Xaashi
4-Sheekh Xasan Maxamuud Takar
Sheekh Bashiir Ahmed Salaad ayaa wareysi kooban siiyey Idaacada VOA Hoos Ka Dhageyso Wareysigii Sh Bashiir Ahmed.
[audio:http://www.halgan.net/Mp3/ShBashiir.mp3]VOA

.gif)

