Sheekh Dr.Axmed Xaaji wuxuu u dhintay Siyaasadda Naceyb-Abuur W/Q Dr.Eenoow

December 22, 2011 - Written by

Sweden:-Qalbi ay murugadu jar-jartay ayaan ugu tacsiyeeneynaa ehelada walaakeena aanu jecleyn Dr. Axmad Xaaji Cabdiraxmaan. Goortuu nala joogeyna waanu jecleyn, haddoo uu naga maqan yahana waanu jecelnahay. Waanu jecleyn oo aqoontiisii iyo anshixiisii ayaa ahaa xareed aanan laga dhergeyn. Waanu jecleyn oo bashaash-nimadiisii iyo laabtiisii fureyd ayaa ahayd magaalo ku murugo tireysa. Waanu jecleyn oo af-soomaaligiisii iyo dhaqan-aqoodkiisii ayaa ahaa madrasad loo xiiso. Indhaha u haray baraarugga diiniga Soomaaliyeed ayuu kamid ahaa. Kawaadirta hantida ummadeed ah ayuu ahaa. Wax kale isku samirsiin-meyno aanan ka ahayn, jaceylkayaga kii ilaah ayaa ka horeeyey oo doorashadayada tii Eebe ayaa ka horeyse. Dr. Axmad Xaaji Cabdiraxmaan allaha u furo naxariis tiisii faxneyd. Xanuunka ay nagu qabatay falkii dilkiisa, waxaan Eebe (kor ahaaye) weydiisanayaa in uu inooga aaro, isagaan aanandiisa laga baxsan kareyne.

Eebow nin weliyoo la dilo waad ka dirirtaaye

Siyaasadda naceybka ku dhisan maahan mid lagu guuleysto. Naceybkuna kamid maahan fidradaha wanaagsan ee Eebe (kor ahaaye) uu ku uumey addoomadiisa. Qof kasta marka uu dhasho, wuxuu matalayaa mashruuc farsamadiisa xagga Eebe (kor ahaaye) laga dhameystirey. Sida uu inoo sheegey suubanihii Maxamad (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee), in qofkaas cusub ee dhashay lagu agabeeyey fidrado wanaagsan.

(كُلِّ مَوْلُودٍ يُولَدُ عَلَى الْفِطْرَةِ)

Fidrada wanaagsan waa anshax kasta oo wanaagsan, taas oo dallad u tahay caqiido sax ah ee sida dayax 14-aad u nuureysa. Runta, caddaaladda, deeqda, geesinimada, wanaagga, hal-abuurka, garashada, jaceylka, amaanada, xuquuq-ilaalinta ayaa kamid ah anshixii uu suubanihii (sh.n.d.a.) inoo dhameystirey. Sidaa darteed naceybku wuxuu kamid yahay tilmaamaha uu sheydaanka ku darsado nolosha qofka. Wuxuu qofkiisa ka indha-tiraa anshaxa wanaagsan oo dhan. Wuxuu u soo maraa in uu ku abuuro dareen diidmo xag-jir ah oo loo qaado agab gaar ah, qof gaar ah ama dad gaar ah. Naceyb oo dhan ayaa wuxuu xambaarsan yahay fikrado madow oo raja-dhig ah. Wuxuu qofkeeda ku abuuraa quus iyo didid uu ka cararo wax-kasta oo xiriir la leh waxaas uu nacay. Taasi waxay ku riixdaa in ugu danbey uu gaaro heer uu fal-denbiyeed ku kaco.

Waxaan shaki ku jirin in Dr. Axmad Xaaji Cabdiraxmaan uu ku baxay aragti naceyb ah, taas oo weliba aanan loo meel deyin. Aadamiga ka gudbey nolosha waxashnimada ah, ee ku guuleystey in ay qiimeeyaan waxa la yiraahdo dad-hantiyeed (human resource), waxay ku qiyaasaan in Dr. Axmad oo kale ay ku diyaariyaan 50 sano. Kharaj badan iyo wakhti badan oo shakhsiga ceynkaas ah ku baxay dabadeed, waxaa loo sahlaa wax-kasta oo uu bulshada ugu faa’iideyn lahaa. Waayo waxay garteen in caqliga iyo caqoontu tahay waxyaabaha bulshooyinka kala hor-mariya. Laakiin fal naceyb iyo aqoon-xumi ka danbeysey ayuu Dr. Axmad ku baxay, kaas oo aanan innaba caqli iyo xujo loo heli kareyn. Falkaas oo qofkii diin iyo damiir lahaa uu ka qaaday argagaxay iyo dhakafaar. Raggii geysteyna sidii tuugadii ayay la dhuunteen, dabadeedna xisaabta Eebe (kor ahaaye) ka-sokow iyaga ayaa naftooda nacladaya.

Soomaalidii reer miyiga ahayd, ma ayan ahayn kuwo aqoon diineed lahaa. Laakiin fidrad wanaagsan oo ay ku dhasheen ayay lahaayeen. Taas ayay ku fahmayeen khaladka iyo saxa. Xataa haddey khalad gelayaan, hambo ayay bulshada uga tegi jireen. Xeerarka ay xaq-dhowri jireen waxaa kamid ahaa biri-mageydada. Culimaduna waxay ahaayeen dabaqadda ugu sareysa ee lagu ilaaliyo xeerkan. Cidda xalaaleysata dhiigga Dr. Axmad, waa muuqataa in fidrad faasid ah ee aanan diin iyo damiir wanaagsan toona ka iman. Haddii lala dodo maxay ugu jawaabayaan qoyska ay agoomeeyeen, ardeyda ay macallin la’aanta dhigeen, shacabka ay mufti la’aanta bideen, iyo ummadda ay indhaha ka rideen.

Dr. Axmad wuxuu ina baray in Islaamku uu yahay diin ku faaftey anshax iyo wanaag ee aanan ahayn diin xoog iyo durduro ku joogsatay. Wuxuu ina baray Islaamku in uu yahay diin damiirka iyo qalbiga degta ee aanan ahayn diin cabsi iyo jajuub lagu qaato. Wuxuu ina baray Islaamku in uusan ahayn din dadka eryeysa, bal uu ay tahay diin dadka soo dhoweeneysa. Wuxuu ina baray in Islaamku uusan ahay diin la kala xigo, bal ay tahay diin loo siman yahay. Inta aanu noolahay, illaawi meyno Dr. Axmad Xaaji, walaal aanu jecelnahay ayuu ahaa, welina uu yahay. Xaaladda uu ku dhinteyna waxay inoo markhaati kacaysaa in uu ahaa nin kheyr.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa, Dr. Axmad Xaaji waa uu ka waynaa nin noloshiisa ay ku abyooto gacan Soomaaliyeed, oo weliba tuhunku ay soo galaan dadkii ay isla soo ceysheen. Laakiin xaqiiqada ilaaha aanan waxba ka qarsooneyn ayaa naga ogsoon, isaga ayaana sidaan u doortey. Intase aanu nool-nahay waxaa xasuustayada ku haraysa anshixiisii iyo aqoontiisii aan ku tilmaami karo suugaantan jiiftada ah oo uu curiyay awoowihiis Cismaan Yuusuf Keenadiid:

Nin shukriga Ilaah iyo shahaadada qiraan ahay
Nin shuruudda towxiidku ku shisheyso baan ahay
Nin sharcigu siduu yiri shakineynin baan ahay
Nin shafeecadii nebiga shinsanaaya baan ahay
Nin shabaab ahaantii shareecada bartaan ahay
Nin shuura iyo ancaam iyo shucuraba dhigtaan ahay
Nin sharribey tafaasiirta shuruuxdana og baan ahay
Wixii shuhubo iyo ceeb ah nin ka sheexayaan ahay
Ninaan showr ajnebi iyo shilin uu jiidan baan ahay
Nin ra’yigu hadduu sheelmo shishe u fiiriyaan ahay
Nin shahmaadka taariikhda ka sheekeyn karaan ahay
Nin shoofaarta gabeygana shaacirkeed ah baan ahay
Nin shiddiyo khilaaf iyo sharta diiddan baan ahay
Nimaan shuush Ilaah gelin kana shaafiyaan ahay
Nin anaaniyadda shaacdey ka shib qaatey baan ahay
Nimaan sharafta Soomaali sheyna siisan baan ahay
Nimaan kala shir-shiriddeeda ka shaqeynin baan ahay
Nimaan shuqulka gaalada shabaheynin baan ahay
Siyaalaha aan soo sheegey nin u shikh ah baan ahay

Qore: Dr. Saadiq Enow
Saadiq.enow@gmail.com

8 Comments so far

Leave a comment

  1. asw walaal jazaaka laaha ale haunaxariisto shekhqena ale waxaan kabaryayaa inuu soo dadajiyo kii dilay balaayo hakudhacod isago dunidasaran aamin aamin aamin insha alaah

  2. Maasha Allah, waad asiibtay Dr, Eenow, adiga iyo culimada kale ee Soomaaliyeed ee fikirka saxda qaba inay sii wadaan dadaalka ayna laba jibaaraan howlaha dadka lagu fahansiinayo diinta saxdaa loogana celinayo fikirka khaldan ee diinteena suuban loo nisbaynayo oo indha la’aanta ah. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan janatu fardowsa ayaan ugu duceynaynaa. Wadadii uu ku socdayna waa in la wadaa oo aan laga leexan, kuxii dhibtaas umada u geystayna Alle ciribtooda iyaga iyo kuwii soo dirayba meel xun aduun iyo aakhiro ha mariyo.
    Aamiin.

  3. a/s/m/c/k/m walal maansha alaah waad uqalantaa inaadtahay qoraa somaliyeed waxaan idinkafilayaa dhamaan culimada inaad qoraal kaan ooklae umada usoo gudbisaan umada somaliweyn idinka ayaawax usoobartay waxaan bishaaro ah in dilka shahiid shekh dr ahmed haji uu dadbadan oo waxgarad ah ay kutaamayan inaay kudhintaan sharaf tii iyo haybadii uukudhintay shahiidku ok hadaba walal dr sadiq alaha kuxifdiyo adiga iyo culimadakale ee aan aadka ujeclahayba waxaan idinka codsanayaa inaad dadalkiinii diimeed siilabajibaartaan

  4. ACWRWB,

    Walaal Dr. Saadiq, Allaah ha kuu siyaadiyo cilmi, faham iyo xikmad. Runtii si wanaagsan baad uga hadashay Dr. Axmed Xaaji iyo dareenkaaga ku aadan murugada aad dareemaysid.

    Waxaa xannuunka inaka fududaynaya innagoo aaminsan in geeridu wakhtiyaysantahay iyo innagoo u rajaynayna Dr. Axmed dagsiimo wanaagsan Jannatul Firdawza.

    Dilka Dr. Axmed wuxuu aad noo dareensiiyay inay joogaan dalkenna dad dhimirka ka jiran sababtoo ah u malaynmayo in qof fayoobi xabbad ku dhufanlahaa walaalkeen.

    Allaah toobadda hayna waafajiyo.

  5. Maansha allaah Allaah haku xifdiyo adi iyo walaalaha kula fikrada ah oo taabatay dareenkooda geerida Dr Axmed gaar ahaana wadaadada iyo umada soomaaliyeed oo ka muujiyay murugo iyo calool xumoba.

  6. Asc, khyr farabdan walal. Sheekh ahmed ilahay ha u naxariisto. Nin asluub iyo cilmi kulmistay buu aha.

  7. Dr Sadiq Gacantu kuma go’do. waxaan allah igu rajaynaynaa Dr Ahmed sh Abdirexman in allah Janatul Fardows galayo. AMiin Amiin

  8. Maasha Allaah khayr fara badan Allaha ku siiyo waad asiibtay

Leave a comment

*