Shiikh C/qaadir Nuur Faarax oo soo gaaray Boosaaso iyo Shiikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo la’ aasay

December 5, 2011 - Written by

Boosaaso:-Waxaa maanta salaadii Duhur ka dib lagu aasay Boosaso Sh.Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan  oo saaka salaadii subax ka dib ay dileen kuwa dhagar qabayaal ah oo la soo abaabulay, Allaha u naxariis tee marxuun Shiikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa aaskiisa waxaa ka soo qayb galay culimo udiin , ganacsto , Isimo iyo waxgarad kale duwan.

Dadweyne aad u fara badan oo reer Boosaso ah ayaa ka qayb galay aaska marxuun Shiikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyadoo dadweynu ay taagnaayeen  wadooyinka,ciidamo fara badan oo Booliska magaalada Boosaso ayaa xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Masjidka Rowd ee Boosaso si loo tartiibiyo dad aad u fara badan oo doonayey in ay ka qabgalaan Salaada Janaazad ee lagu tukanayey marxuunka Shiikh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Sheekh Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu ka mid ahaa culimadii iyo dadkii Soomaaliyeed ee soo gutay waajibka Xajka ka dibna maalmo ka hor dib ugu soo laabata magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee uu ku noolaa. Aaska  Shiikh Dr Axmed Xaaji ayaa waxaa kalimada gilgisha goobta aaska uu ka dhacay jeediyey Shiikh Daahir Aw-cabdi,Shiikh Cabdulqaadir Nur Faarax oo ka yimid magaalada Garoowe.

Sh.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa  kalimadii ugu danbaysay xalay ka jeediyey Masjidka Rowda isagoo ugu baaqay ganacsata in dadka ganacsigooda uu wax ku noqday dabkii ka kacay Suuqa Boosaaso loo gurmado , Shiikh Dr axmed ayaan wax maamul ka Puntlland ku saabsan aan kaga hadal wacdigiisa.

Hoos ka Dhagayso kalimadii u danbaysay ee Sh Dr axmed Xaaji ka jeediyey xalay Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso

 [audio:http://www.qardhaawi.com/audio/muxaadaro/umal/draxmed2011.mp3]

Culimo,udiinka Soomaaliya ee ku kala sugan Gobollada dalka ayaa waxaa u socda kulamo gaar gaar ah waxaan la filayaa in saacadaha soo socda culimada ay la hadli doonaa saxaafada  waa haddii ay muhiim u arkaan arrin kaas.

 M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online