Shirka wadatashiga oo ka furmay Garoowe iyo R/W DFKM Prof Gaas oo gaaray Garoowe
December 21, 2011 - Written byGaroowe:-Waxaa goor dhow si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta dowllada Puntland Shirkii wadatshiga wejigiisii labaad waxaana shirka goobjoog ka ah Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif Sh. Axmed Madaxda Puntlland Galmudug , Ahlu suna iyo ergo ka socda beesha caalamka.
Dhinac kale Ra.iisul wasaaraha dalka Prof. Cabdiweli Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa iyagana dhawaan ku biiray
shirka wadatashiga ah ee ka socda Garoowe , Raiisul Wasaaraha DFKM Prof. Gaas oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu isaga iyo wafdigiisu ay ka qayb galayaan shirka Garoowe uuna rajeynayo in uu guul ku dhamaado. Wafdiga Ra.iisul Wasaraaha DFKM Prof. Gaas iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee xarunta dowllada Puntlland, xubnaha la socda ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 2 gole ee DFKM
Waxaa Shirka wacdi ka jeediyey Sh. C/qaadir Nuur faarax wuxuuna ugu baaqay madaxada ka soo qeyb gashay shirka in ay alle ka baqaan waajibkoodana ay ka soo baxaan intaas ka dib ayaa waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole waxaana uu ka jeedshay khudbad kooban
Shirka ayaa waxaa jooga Madaxada TFG-da ,Puntland ,Galmudug iyo Ahlu Suna iyo wakiilo ka socda QM Midowga Afrika iyo jaamaca carabta.
Madaxweynaha Puntland ayaa khudbadiisa waxaa uu kaga hadlay arimaha ay ka mid yihiin.
1-Xeerka kala hagaya awoodaha
2-In Baarlamaanka la yareeyo oo laga dhigo tiro dhaqaalaheeda la awoodo tayona leh .
3-Siyaasadda iyo Dawladwanaag in laga dhaxlo,In la dhameystiro Dastuurka TFG .
4-Awood qaybsi in uu ku salaysnaado nidaamka Federaalka.
5-Khilaafka Baarlamaanka DFKM .
A/Cawale
Halgan.net