Shirka wadatashiga oo ka furmay Garoowe iyo R/W DFKM Prof Gaas oo gaaray Garoowe

December 21, 2011 - Written by

Garoowe:-Waxaa goor dhow si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta dowllada Puntland Shirkii wadatshiga  wejigiisii labaad waxaana shirka goobjoog ka ah Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif Sh. Axmed Madaxda Puntlland Galmudug , Ahlu suna iyo ergo ka socda beesha caalamka.

Dhinac kale Ra.iisul wasaaraha dalka Prof. Cabdiweli Maxamed Cali  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa iyagana dhawaan ku biiray
shirka wadatashiga ah ee ka socda Garoowe , Raiisul Wasaaraha  DFKM  Prof. Gaas oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in  uu isaga iyo wafdigiisu ay ka qayb galayaan  shirka Garoowe uuna rajeynayo in uu guul ku dhamaado. Wafdiga Ra.iisul Wasaraaha  DFKM Prof. Gaas  iyo wafdigiisa  ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee xarunta dowllada Puntlland, xubnaha  la socda ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 2 gole ee DFKM

Waxaa Shirka wacdi ka jeediyey Sh. C/qaadir Nuur faarax wuxuuna ugu baaqay madaxada ka soo qeyb gashay shirka in ay alle ka baqaan waajibkoodana ay ka soo baxaan intaas ka dib ayaa waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole waxaana uu ka jeedshay khudbad kooban

Shirka ayaa waxaa jooga Madaxada TFG-da ,Puntland ,Galmudug iyo Ahlu Suna iyo wakiilo ka socda QM Midowga Afrika iyo jaamaca carabta.

Madaxweynaha Puntland ayaa khudbadiisa waxaa uu kaga hadlay arimaha ay ka mid yihiin.

1-Xeerka  kala hagaya awoodaha
2-In Baarlamaanka la yareeyo oo laga dhigo tiro dhaqaalaheeda la awoodo tayona leh .
3-Siyaasadda iyo Dawladwanaag in laga dhaxlo,In la dhameystiro Dastuurka TFG .
4-Awood qaybsi in uu ku  salaysnaado  nidaamka Federaalka.
5-Khilaafka Baarlamaanka DFKM .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online