Shirka wadatashiga wajigiisii labaad oo maanta ka furmaya magaalada Garoowe

December 21, 2011 - Written by

Garoowe:-Shirka wadatashiga wajigiisii labaad ayaa lagu wadaa maanta in uu ka furmo magaalada Garoowe ee xarunta caasimada dowllada Puntlland iyado la filayo in uuu si rasmi ah u furmo saacadaha inagu soo fool leh , Wufuud kale duwan oo ka tirsan DFKM ,UN-ka iyo beesha caalamka ayaa ku sii jeeda magaalada Garoowe. Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo gudddoomiyaha Baarlamaanka  Shariif Xassan ayaa ku sugan Garooowe iyadoo la filayo wafdi uu hogaaminayo Ra.iisul Wasaaraha DFKM Prof. Cabdiweli Gaas in ay soo gaaraan Garoowe  dhawaan.

hirka wadatashiga wajigiisa labaad ayaa waxaa uu ka socon doonaa magaalada Garoowe ilaa 3 cisho waxaan lagu qaadaa dhigi doonaa ROAD MAP gaar ahaan Dastuurka uu yeelan doono dalka Somaaliya  iyo in lagu guuro marxalada ku meel gaarka ah ka dib markii bisha Augusto uu dhamaadob waqtiga DFKM.

Amaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyey waxaan meel walba ku sugam magaalada Ciidamo kale duwan iyagoo aad ula socda dhaqdhaqaaq dadka iyo dadweynaha waxaan maanta laga dareemaya ciidanku in ay aad u qabaan foojignaa cid walbana ay baarayaan iyagoo dadweynaha aysan u ogalayn in ay ku soo dhawaadaan goobaha ay ku sugan yihin masuuliyiinta DFKM iyo wufuud ka socda beesha caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo UNPOS.
Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu

M_M_Deeq
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Asallaamu Calaykum

    Maryan aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay baraarujintaada, waxaana ale ka baryin in ay magaaladaan Garoowe ay noqoto tii isu keeni lahayd Somaalida ku il daran daafaha caalamka waxaana Somaalida kula talin lahaa in la ayido dadaalka ka socda iyo wado tashiga si looga baxo marxaladaan adag ee xalka loo waayeyey reer puntland si gaar ah ayaan ugu mahad celin dadaalka ay ugu jiraan Soomaali raadinta iyo wanaaga ay dalbayaan Alena idinku qadin maayo ee halkaas ka wada alena sabar iyo adkaysi ha idinku risaaqo.

  2. anigoo ah gabar ku dhalatay gobalk sh/dhaxe,una dhalatay gobalka putland waxaan mahad u jeedinayaa dowlada iyo dadweynaha putlands u dhashay ayagoo qaaday xil adag waxaan ilaah idiink baryayaa in uu alle idiinla garab gallo xilkaas aad qaadeen oo illaah cadowg idinka qabto insha,allah teeda kale waxaan leeyahay kan raascaseyr daga iyo kan raaskabooni daga waa walaalo ee waxaan iddin leeyahay illaah xaqa ha idin tuso,teeda kale waxaad ogaataan in aanu leenahay dhul baaxad weyne iyo labo wabe iyo labo badd cimillo wanaagsan marka fiiriya qayraadka uu illaahay inna seeyey shiikh cabdiraxmaan,shiikh sharif axmed iyo shiikh sharif shiikh addan waa in xaqa la fiirshaa oo aan la fiirin kan waa laandheer iyo kan waa laangaab kani waa faqiir iyo kani waa taajir kani halkaan buu dagaa iyo kani halkaas buu dagaa fiiriya dadka soomaaliyeed ee kala firdhaday ee tagay dhul aysan u dhalan, dad aysan aqoon iyo aff aysan garaneyn intaas waxaa iiga eg baraarujint aan iddiin soo jeedinayey sidaa iyo nabad gelyo

Leave a comment

*