Shirkii wadatashiga ee ka socday magaalada Garoowe oo dib u furmay maalinta beri ah
December 23, 2011 - Written byGaroowe:-Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in shirkii wada tashiga ee ka socday Garoowe go,aamadii ka soo bixi lahaa loo dib dhigay maalinta beri ah iyadoo taas ay ugu wacan tahay in masuuliyiinta DFKM iyo dowlada Puntlland ay ku kala aragti bedelen yihiin qaabka loo soo xulayo xilibaanada DFKM 2012 . Masuuliyiinta owllada Puntlladn aya waxaa uu ku adkeysanayaan in xilibaanada lagu soo xulo qaabka degmooyinka iyo gobollada halka masuuliyiinta DFKM ay ku adkeysanayan in xilibaanda lagu soo xulo 4.5
Shirkan ayaa lagu waday in maanta la soo gaba-gabeeyo, balse is af-garan waaga maanta dhashay awgeed ayaa waxaa la isku raacay in maalinta birito ah la soo afmeero ,waxaana ka socda caawa magaalada Garoowe kulamo gaar gaara ah oo ay yeelana yaan madaxada ka soo qeyb gashay shirka iyo ergayga QM u qaabisan Soomaaliya Augistne Mahiga.
Madaxda ka soo qeyb gashay shirka wadatashiga ayaa waxaa ay isku raaceen si hordhac ah qorista Dastuurka iyo dib u habey nta in lagu sameynayo Baarlamaanka DFKM oo la yareeyo tiradiisa waxaa kale oo la isla gartay in gudiyo loo saaro dhameystir ka Dastuurka ilaa bisha June 2012 .
Qodobada maanta sidoo kale laga dooday ayaa waxaa ka mid ah in la dhimo tirada xildhibaanada DFKM lagana dhigo ilaa 225 xubnood, Maalina birito ah ayaa la filayaa in warsaxaafadeed uu ka soo baxo shirka ka socda magaalada Garoowe.
M_M Deeq
Halgan.net