Shirkii wadatashiga ee ka socday magaalada Garoowe oo dib u furmay maalinta beri ah

December 23, 2011 - Written by

Garoowe:-Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xarunta Puntland  ayaa sheegaya in shirkii wada tashiga ee ka socday Garoowe go,aamadii ka soo bixi lahaa loo dib dhigay maalinta beri ah iyadoo taas ay ugu wacan tahay in masuuliyiinta  DFKM iyo dowlada Puntlland ay ku kala aragti bedelen yihiin qaabka loo soo xulayo xilibaanada DFKM 2012 . Masuuliyiinta owllada Puntlladn aya waxaa uu ku adkeysanayaan in xilibaanada lagu soo xulo qaabka degmooyinka iyo gobollada halka masuuliyiinta DFKM ay ku adkeysanayan in xilibaanda lagu soo xulo 4.5

Shirkan ayaa lagu waday in maanta la soo gaba-gabeeyo, balse is af-garan waaga maanta dhashay awgeed ayaa waxaa la isku raacay in maalinta birito ah la soo afmeero ,waxaana ka socda caawa magaalada Garoowe kulamo gaar gaara ah oo ay yeelana yaan madaxada ka soo qeyb gashay shirka iyo ergayga QM u qaabisan Soomaaliya Augistne Mahiga.

Madaxda ka soo qeyb gashay shirka wadatashiga ayaa waxaa ay isku raaceen si hordhac ah qorista  Dastuurka iyo dib u habey nta in lagu sameynayo Baarlamaanka DFKM oo la yareeyo tiradiisa waxaa kale oo la isla gartay in gudiyo loo saaro dhameystir ka Dastuurka ilaa bisha June 2012 .

Qodobada maanta sidoo kale laga dooday ayaa waxaa ka mid ah in la dhimo tirada xildhibaanada DFKM lagana dhigo ilaa 225 xubnood, Maalina birito ah ayaa la filayaa in warsaxaafadeed uu ka soo baxo shirka ka socda magaalada Garoowe.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online