Waa Xaajo ugube ! tolow yaa dilay Dr: Axmed Xaji W/Q Sh C/raxmaan Abyad

December 6, 2011 - Written by

Denmark:-Marka hore  Allaah waxaan u waydiinaya inuu sheekha u naxariisto eheladiisii iyo  ummada soomaaliyeed na sabir iyo iimaaan ka  siiyo . Intaas kadib  : dhaqanka soomaalida kama mid ahayn in culimada la laayo oo waxay ku jireen  biri ma gaydada, diinteena islaamkuna xataa baadariga kaniisadda ku jira in la  dilo bay xaaraanti maysay hase yeeshee dilka sheekha oo culimo kalena ka  horaysay , malaa kuwa kalana safka kusoo jiraan ayaa noqday xaajo ugub oo  soomaalida ku cusub .Si kastaba  ha ahaato ee tolow yaa inkaari ku dhacday oo sheekha dilay ?

Aniga  aragtidayda inta aanan dhiiban bal tilmaamahan ila fiiri .

1-    Qof shaqo ka dhigtay inuu culimada caayo oo ku been  abuurto.

2- Qof aaminsan inay cid kastaba ka shar badan yihiin oo gaalada jawaasiis
u yihiin .

3- Qof aaminsan “ jihaadkiisa “ inaanu ka midho dhalin Karin illaa cadawga
meesha laga saaro “ cadawgu waa culimada “ .

4- Qof aamin san in culimadu safka gaalada ku jiraan oo taangiyadooda ay ku
dhuumalaystaan.

5-    Qof aaminsan in loo layn karo” fasaadkooda” dartiis .

6-    Qof aaminsan in culimada qaarkood gaaloobeen maadaama  ay itoobiya heshiis la galeen dhulkii muslimkana”
iibiyeen” oo xoogay sandareerto ah dhaafsadeen.

7- Qof dhiiga muslimkuba la fudud yahay oo isagoo qof doonaya labaatan
kalena galaafanaya una arka in ay banaan tahay oo jihad tahay.

8- Qof ay culimo u yihiin rag culimadii waaweynayd sida ibnubaaz ibnucuthaymiin  gaalaysiiyey, Makka iyo Madiinana u arka inay dhul gaalo yihiin

9- Qof isu arka inuu isagu islaamkii yahay oo waxa khatarta ku ahi  islaamkii khatar ku yihiin wixii isaga khilaafaana islaamki khilaafeen .

10-Qof isu arka inuu yahay kii ummadan badbaadinayay  oo laaantiis ay halaagsamayso jiritaankiisuna yahay jiritaanka ummada

Intaas oo  tilmaamoodna ku darsaday hanjabaad iyo cagajuglayn toos ah , tolow haddaanu  kaasi dilin waa yaabe yaa dilay ??

Haddiibase  ay dhacdo in midkaloo ayaan darani aafadan gaystay waxaan oran karaa waxay u  sahleen oo u abuureen jawi shaydaani ah oo culimada lagu dhiirankaro dilkoodana  lagu  fududaan karo . Waxay abuureen jawi lagu dhuuman karo oo ku raad gadan karo ,illayn wixii uu rabay oo
qudhgooyada ahayd qolo ku dikriyaysaaba usoo baxday oo waliba in ilaahay loogu  dhawaanayo ka dhigtay .

Suaasha iswaydiinta lihi waxay tahay culimooy iyo dadka khayrka jeceloow alamatara la soo dhaaftay ! dadka waaya aragga ahina in badanba waa arkayeen aafadan , laakiin  baroori waxba tari mayso ee maxaa idinla gudboon , miyaa lakala daadsanaan oo  ilko doofaar sahansan iyo bakayloow nin iyo burkaa  baa idinku dhaboobi  mise hanbada ummadan ka hadhay baa la daba  qaban .

Soomaaliga  wadaniga ah” noocuu doono ha noqdee ” ee naftiisii iyo dhulkiisiiba gabi ka  laadlaadaan maxaa la gudboon !.Wadaadka “ fikirkuu doono ha watee  ”  oo diintii oo lagu ciyaarayo ay u muuqato maxaa la gudboon !.Ma iskaashan  karaan tolow si ay ugu yaraan naftooda u caymiyaan cid kaleba yay wax tarine.

Wax ay wada  ilaaliyaan oo dan ka dhexaysa ah “Common interests “ ma jiri kartaa tolow. Waxaan  xasuusinayaa kuwa caruurta halaagaya oo fataawaad been ah siinayoow in idinka  laftiina fataawaadkaas la idiin isticmali doono goortay doon taba ha gaadho ee,  waana wax taariikhdu ina bartay . Waxaan kusoo
af meerayaa waxba tari mayso qof aad dhiigiisa shalay  banaysay inaad maanta ka tacsiyadayso ,nin  fiican buu ahaana aad ka daba tuurto amaba aad dhaahdo anigu gacanta ma  lahayn  .

Ummadan  dhiigeeda oo sida biyaha loo daadiyo , qaran nimadeedana la dafiro, haldoorkeedana la laayo, culimadeedana lagu been abuurto dhiigoodana la baneeyo  , jawaasiis iyo wadaad xumayaalna lagu sheego , masii socon ? mise waa laga  joogsan . Soomaalidu  waxay tidhahdaa macal cunee soo bixi doonee.

Ilaahow  khayrka na waafaji islaamnimadana nagu dil .

WQ: Sheekh cabdiraxmaan abyad
Abyad2@hotmail.com

18 Comments so far

Leave a comment

  1. acww
    Sh.Cabdiraxman waxan hada socda ma aha wax sahlan.Rajada kaliya ee ummada soomaalidu qabto illaahay inta ka sokeysa wuxuu ahaa culimada.Culimadiina waa imtixaanan yihiin hada.Ummadii waa jaha wareertay,fadlan isu taga labadiina garab,wadana hadla. waxaad kala tirsanaysaana wadahadal ku dhamaysta. waad wada hadli kartaan,waad wada xidhiidhi kartaa,fadlan si dagdag ah u xidhiidha,xal dagdag ahna gaadha, arintu waa arin ummadeed ee ma aha arin laba garab oo culimo ah.
    waqti aan wax sii sugno ma hadhin,orod waayeelna waa intaan la arkaynin,culimooy isu taga,khilaafkiinana wadahadal iyo xigmad ku dhameeya,hadaad diidaan idina waad halaagsamaysaan,ummadii idin sugaysanayna way halaagsami.
    illaahayow fidnadan dami adaa qaadir ah oon waxba kugu cuslayne. Illaahow quluubta culimada isu soo dun.
    wcww

  2. Jazaaka Allaah walal sh. C/raxman Abyad Allaah ha ku xifdiyo, Cimriga, Caqliga iyo caafimaadkaba Allaah ha kuu barakeeyo.

  3. As, Horta marka danbi dhaco waxaa la fiiriyaa yay qofkaan ishayeen, yaa u dhaarnayay yaa handadayay. waa iska cadahay cida hawshaas shaqada ka dhigatay waa cida sifooyinka shiikh Abyad tiriyay leh.
    Webka Somali Memo ayaa lagu qoray in Bayaanka Shirka Baydhabo ka soo bixi doona ee Ictisaam ku wajahan noqon doono bayaan jahri ah ama mid gacanta loo galiyo ciidamad Amniyaatka.

    wali cadayn kale ma u baahantahay?
    !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  4. Asalaamu Calaykum

    Sheikh C/maaaaaaaan Allaah haku xifdiyo Allaah haku dhowro hana kuu barkeeyo cimriga caqliga iyo caafimaadka, aad ayaan ugu diinsanay qoraalkaaga ay ka muuqato diinta iyo macanaha dheer waxaan aad ula yaabay sida aad u cabirtay una abaartay Alena kuu waa fajiyey halkii laga bukay, waxaa xaqiiq ah in aan ceeldanbe ciyaar lagu qodayn hadii umadaan isku tashato fahantona wax loo danleeyahay in ay tahay diintooda iyo jirtaankooda.

    Faduma Axmed
    Leicester UK

  5. Scw, akhii sheikh abyad ilaah ajar iyo xasanaad hakaa siiyo, ilaah waxaan sheekheena sheikh axmed uga rajaynayaa janatul fardowsaa, kuwii dilayna isagoo maalin caashuuraa sooman salaad fajarna soo tukaday ilaah inuu kaga aarsado aduunka aakhirana cadaabtiisii kaga aarsado.

    Waxaan runtii qalbigayga ka go i wayday ninka xabad usoo qaatay nin ilaah dartiis u gaajaysan, ilaah dartisna aroor hore uga soo kacay hurdo aan macaankeeda wada ognahay si uu ugu rukuuco uguna sujuudo.

    Xadiis ayaa ahaa wakhti waxaa imaan doona fitnadu intay badato uu qofka muslimka ahi u dhinto murugo, ilaa maanta waan aragnaa nin diin kula sheeganaya midabna kaaga eg kaana neceb yuhuuda ayaa nalaku tahluukaynayaa. Ugu danbayntii sheikha ilaah ha u naxariisto ayaan leeyahay, umada muslimkana samir iyo iimaan alaha kasiiyo gaar ahaan marwadii iyo caruurtii u ka geeriyooday. alaahuma yaa aamin

    salamu alaikum warahma

    Abdirahman Leicester UK

  6. MEESHII UDANBETSEY AYAY SOMALI MAREYSAA MAANTA WAXA LAKAHAYO WAA CULIMADEENII WAXAAN ODHAN LAHAA WAA LA INOO TASHADAYE AAN TASHANO HADII KALE MARDHOW CILMAAD SHEEGIYE DHAMAANTEEN WAA LA INWAAYI

  7. Asalaamu W W. Sheikhu aragti dheer ayuu nosoo taa taabte si aan u aragno xaalada aan ku suganahay maanta.Bal fiiri waxa aanu been iyo wax aanu jirinba aan kasheegna culimadda maanta si sahlan ayaan dhiigoodi u baneeysanay. Midba mid kale ayey noo siigudbisey.Marki hore waxaa la koowsadhey oo la sahashadhey in sharaftooda dhulka lala dhaco, hadaana waxaa layiri maalka iyo hantidha wada xalaal ah kuma ay kasbanin. Marka ninki in taas oo been abuur iyo cadhaawad la daba taagna culimadda soo kamasuurowda arintaan ee dilka ah

  8. shaki kuma jiro in kii dilay uu nasiib daran yahay…..ilaahay mid ka kheer badan hanoogu badalo…taariikhda andulusna akhriya sheekh baa la dilay iyo al shabaab saara ma socoteee

  9. رحمك الله يا شيخنا و غفر لك و جعل مقامك في أعلى عليين في جنات kadib masjidki la qarxi walle waxba xigey wayelki lala dhalanki lala culumada lala tolow maxa higa ? wax lakaxumado weyan allow fashill dadka waxa ka danbeya oo cebey >> inalilahi wana ilehyrajucun “

  10. sheikh cabdirahman abyad ilaahay kheyr badan ha ku siiyo hana xiftiyo adiga iyo goosanka ka hadhay culimaddi waana wax la filayay oo horey culimadu uga hadashay waayo hadalka iyo ficilka waxaa horeeya hadalka marhore hadii culimadda la gaalaysiiyay oo diinta laga saaray waxaa dhimanaa wuxuu ahaa in birta la saaro.

    waa wax yaableh culimo dhiigooda wadan lagu xoraynayo waa wax yaableh dad jihaadkoodii ku soo ururay in ay ku soo guryo noqdaan oo gumaadaan umaddii ay sheegteen in ay difaacayaan.

    ilaahay waxaa ka baryaynaa in uu sheekhiii u naxariisto una danbi dhaafo kuwa dilayna in uu aakhiyo iyo aduunba fadeexeeyo oo ceebeeyo

  11. juziita kheyran akhuunaa sh c/raxman abyad…ma aannaan illoobin muxaadaraadkii dhaxalgalka ahaa eed ummadda uga tagtay, kuwaas oo aad xataa kaga hadashay in waxaani dhici doonaan, kolley ciddii illaahay ku anfacay ka faaiideysey ciddii kalena ee anfac ku yeelan weysayna ilaahay ayuunbaa qalbigeeda hidaayo galin karta

    Hadda iyo danse cid kastoo sheekha dishayba waxaa muuqata in soomaali uu dhex yimid fikir wax walba oo soo jirey kor u dhaafey,oo noociisan oo kale wax ka khatarsan aanu soo marin, meesha uu wax ka bilaabayna ah meeshii ugu dambeysay ee ruux uu soo taabto, oo mar hadii cunsurkii soomaali ugu qiimo badnaa, allena adoomadiisa uu ugu jecel yahay ah oo culimada ah ay mareyso in canug yar oo aan wali ooddaba ka gudin uu xabbad ku tuujinayo waxaan filayaa inaanay jirin wax dambe oo la xeeriyo oo laga warsugo, saad sheegtayna soomaalidu haday hore libaaxa Alamtara ugu akhrin jirtey hadda libaaxii Alamtara soo dhaaf marka waxaa khasab ah oo lagu khasban yahay in dalkaan iyo dadkaan loo raadiyo badbaado iyadoo lagaga billaabayo badbaadinta iyo ilaalinta culimada.
    waxaa kale oo ila qumman aniga in culimadu wixii hadda ka dambeeya aysan waxba marada saarsaarin oo si toos ah xaqqa u cadeeyaan(macnaha awal horeba way cadeyn jireen) laakiin waxaan ula jeedaa in si toos ah loo abbaaro dadka fikirkan khatarta ah ku socda ee haddana sheeganaya inay ilaahay jidkiisa ku taagan yihiin, ummaddana looga digo si toos….maxaaba haray hadii inta shir meel lagu qabtay lagu soo saarey in culimada la laayo soomaaliyeed ee weligoodba ummaddaan soo hagayey, ninka noocaas ah ee ummadda fatwada u sheegaya baadilka ah ee caruurta luminaya ee majaraha inuu qabto doonaya si toos ah halooga hadlo kolley waa muuqataa oo nin ay gacan la gaareen ka baaqsan maayaan dilkiisa ninkii kale ee ka fog ee aanay gaarin karina afkooda iyo waliba addinkooda in badan oo ka mid maanay ka badbaadin..taariikhduna dhaxal iyo cadeyn ku filan hadda ka hor ayaa qisadii iigu yaabka badneed waxay ahayd oo aan sheekh culimada ka mid ah ka maqlay nin dhalinyaro ah ayaa waxa uu la doodayey nin kale marka nin baa aad u xamaaseysan oo ku ibtaleysan afkaartaan inxiraafka ah ee hadda joogta ee wax qarxiska iyo wax dilka uun lagu ibtaleeyey dabeed ninkii kale ayaa mas’alo waxyaabahaan ku tacalluqa quluwiga kala doodayey oo wuxuu u sheegay in waxaasi aanay bannaaneyn ka dibna ninkii xamaasiga ahaa ayaa inta soo booday yiri “oo yaa ka hadlay masaladaas oo culimada ah? ka dibna ninkii kalaa ku yiri sheekh ibnu cutheymiin ayaan maqlay isagoo ka hadlaya…ka dib ninkii xamaaseysnaa ayaa waxa uu ku jawaabey..” shekh cutheymiin laftiisaa ahayd in laysku qarxiyo !!!, cajiib macnaha u fiirso halka inxiraafku ka gaarey ninkaas, wax qarxiskii baa looga digay markaasuu qaraxii wuxuu taqab ula aadey sheekhii loo sheegay ee culimnada islaamka ka mid ahaa…

    xilligaasi aan warkaas maqlayo dhawr sano ayaa laga joogaa marka hadda ra’yal cayn ayaaban u arkaa, marka waxaan hadal kusoo koobayaa kolley fikirkaan kolley isagaaban sii soconeyne yaan dusha laga daawan oo kolba meesha uu istaagayo la fiirsanin..

  12. a/c marka hore sheikha jana fardowso ayaan illah uga baryayaa marka labaad umada islaamka gaar ahaan soomaalida samir iyo iimaan allaha nagasiiyo.
    takale sheikh abyad qayr badan allaha siiyo juhdiga uu umda soomaaliyeed galiyo

  13. Sheekh Kuwaani iyaga haloo abuuro wax isku qarxiyaa . wali inay khawaariijtii dishay Ali binu dhaalib sidooda kale calamadihiisa la soo baxeen mar haday culumadii ka fakan la’dahay iyo intii wax baranaysay bare ama barte labaduba ay bombe iyo biskulad la daba taagan yihiin , waxaan isleyay waaba gaalnimo ninkii niyada ka tageero waagii hore gaalay la dagalamayaan oo niyadaa in yar iga jirtay laakin toobad keen badan baa isugaysa kuwaas hadaan mar niyada ka jeclaystay

  14. Sh Abyad Allaha ku xafido, runtii kuwa laga subxaanaleysto inaad ka mid noqoto ayaan kaaga baqayey, balse aqoonta iyo waddaniyadda lagugu soo barbaariyey iyo dadaalka aad gelisay barashada diinta iyo faafinteeda ayaa kaa dallacsiiyey kuwa halaagga u horseeday Soomaaliya.

    Ilaahay ha u naxariisto Sh AXMED kuwii dilkooda ka dambeeyeyna calaalamad gaar ah oo ummadda ka dhex faquuqda Allaha ka muujiyo!!!

    AAAAMIIIN!

  15. asc wr wb ikhwaanii anigu waana odhan lahaa cadaalada halagu dadaalo oo xanaaq aad cid uqabtaa yuusan xadka kaatalaabain

  16. Jazaaka Allaahu khayr waa qormo iyo feker aad uqiimo badan Illaahayna adookale soomaalida haku badiyo

  17. asalamucalakum sh abyad alaha ajer hakaasiiyo waaan shaki ku jirin kuwa dhiga culimada xalashanaya in ay diintii ka tageen waxay ku danbeeyaana waan ka warsugaynaa.

  18. baarakalaahu fiik, talo iyo rusaaleyn, xog ogaal iyo aragtiku dhisan baad soo jeedisay, inashalaahu waa laga faa’idaysan doonaa tasaaulaad kaaguna jawaab sax ah bay heli doonaan.

    ws wr wb- hargeisa

Leave a comment

*