Waa Xaajo ugube ! tolow yaa dilay Dr: Axmed Xaji W/Q Sh C/raxmaan Abyad
December 6, 2011 - Written byDenmark:-Marka hore Allaah waxaan u waydiinaya inuu sheekha u naxariisto eheladiisii iyo ummada soomaaliyeed na sabir iyo iimaaan ka siiyo . Intaas kadib : dhaqanka soomaalida kama mid ahayn in culimada la laayo oo waxay ku jireen biri ma gaydada, diinteena islaamkuna xataa baadariga kaniisadda ku jira in la dilo bay xaaraanti maysay hase yeeshee dilka sheekha oo culimo kalena ka horaysay , malaa kuwa kalana safka kusoo jiraan ayaa noqday xaajo ugub oo soomaalida ku cusub .Si kastaba ha ahaato ee tolow yaa inkaari ku dhacday oo sheekha dilay ?
Aniga aragtidayda inta aanan dhiiban bal tilmaamahan ila fiiri .
1- Qof shaqo ka dhigtay inuu culimada caayo oo ku been abuurto.
2- Qof aaminsan inay cid kastaba ka shar badan yihiin oo gaalada jawaasiis
u yihiin .
3- Qof aaminsan “ jihaadkiisa “ inaanu ka midho dhalin Karin illaa cadawga
meesha laga saaro “ cadawgu waa culimada “ .
4- Qof aamin san in culimadu safka gaalada ku jiraan oo taangiyadooda ay ku
dhuumalaystaan.
5- Qof aaminsan in loo layn karo” fasaadkooda” dartiis .
6- Qof aaminsan in culimada qaarkood gaaloobeen maadaama ay itoobiya heshiis la galeen dhulkii muslimkana”
iibiyeen” oo xoogay sandareerto ah dhaafsadeen.
7- Qof dhiiga muslimkuba la fudud yahay oo isagoo qof doonaya labaatan
kalena galaafanaya una arka in ay banaan tahay oo jihad tahay.
8- Qof ay culimo u yihiin rag culimadii waaweynayd sida ibnubaaz ibnucuthaymiin gaalaysiiyey, Makka iyo Madiinana u arka inay dhul gaalo yihiin
9- Qof isu arka inuu isagu islaamkii yahay oo waxa khatarta ku ahi islaamkii khatar ku yihiin wixii isaga khilaafaana islaamki khilaafeen .
10-Qof isu arka inuu yahay kii ummadan badbaadinayay oo laaantiis ay halaagsamayso jiritaankiisuna yahay jiritaanka ummada
Intaas oo tilmaamoodna ku darsaday hanjabaad iyo cagajuglayn toos ah , tolow haddaanu kaasi dilin waa yaabe yaa dilay ??
Haddiibase ay dhacdo in midkaloo ayaan darani aafadan gaystay waxaan oran karaa waxay u sahleen oo u abuureen jawi shaydaani ah oo culimada lagu dhiirankaro dilkoodana lagu fududaan karo . Waxay abuureen jawi lagu dhuuman karo oo ku raad gadan karo ,illayn wixii uu rabay oo
qudhgooyada ahayd qolo ku dikriyaysaaba usoo baxday oo waliba in ilaahay loogu dhawaanayo ka dhigtay .
Suaasha iswaydiinta lihi waxay tahay culimooy iyo dadka khayrka jeceloow alamatara la soo dhaaftay ! dadka waaya aragga ahina in badanba waa arkayeen aafadan , laakiin baroori waxba tari mayso ee maxaa idinla gudboon , miyaa lakala daadsanaan oo ilko doofaar sahansan iyo bakayloow nin iyo burkaa baa idinku dhaboobi mise hanbada ummadan ka hadhay baa la daba qaban .
Soomaaliga wadaniga ah” noocuu doono ha noqdee ” ee naftiisii iyo dhulkiisiiba gabi ka laadlaadaan maxaa la gudboon !.Wadaadka “ fikirkuu doono ha watee ” oo diintii oo lagu ciyaarayo ay u muuqato maxaa la gudboon !.Ma iskaashan karaan tolow si ay ugu yaraan naftooda u caymiyaan cid kaleba yay wax tarine.
Wax ay wada ilaaliyaan oo dan ka dhexaysa ah “Common interests “ ma jiri kartaa tolow. Waxaan xasuusinayaa kuwa caruurta halaagaya oo fataawaad been ah siinayoow in idinka laftiina fataawaadkaas la idiin isticmali doono goortay doon taba ha gaadho ee, waana wax taariikhdu ina bartay . Waxaan kusoo
af meerayaa waxba tari mayso qof aad dhiigiisa shalay banaysay inaad maanta ka tacsiyadayso ,nin fiican buu ahaana aad ka daba tuurto amaba aad dhaahdo anigu gacanta ma lahayn .
Ummadan dhiigeeda oo sida biyaha loo daadiyo , qaran nimadeedana la dafiro, haldoorkeedana la laayo, culimadeedana lagu been abuurto dhiigoodana la baneeyo , jawaasiis iyo wadaad xumayaalna lagu sheego , masii socon ? mise waa laga joogsan . Soomaalidu waxay tidhahdaa macal cunee soo bixi doonee.
Ilaahow khayrka na waafaji islaamnimadana nagu dil .
WQ: Sheekh cabdiraxmaan abyad
Abyad2@hotmail.com

.gif)

