Waa xilligii kala baxa Abdirazak Sugulle Mohamed

December 31, 2011 - Written by

Allaah ayaa mahad ballaaran iska leh, isaga ayaanan dambi dhaaf weydiisanaynaa.Nabadgelyo iyo naxariisna nabigeenii suubanaa korkiisa ha ahaato. Intaa dabadeed waxaan aad u taageersanahay bayaanka ay beeshu ka soo saartay dilkii Allaha u naxariistee DR Sh. Axmed Xaaji C/raxmaan. Kaasoo aan is leeyahay waa mid soo baxay waqtigii ku munaasabsanaa si wacan oo degana loga baaran degay, iyadoo qodoba ku qorana ay yihiin kuwo si wacan loo soo agasimay.

Dilka shiiku wuxuu ahaa nabar xanuun badan oo loo geystay dhammaan umadda Soomaaliyeed, horay ayayna Soomaali u tiri : Geeri nimaadan aqoon iyo geeljire ayay ku fiican tahay: Runtii aniga shiikha xajkii dhowaa ayaan waqti aad u fiican isla qaadanay, waxaanan ka wada sheekeysanay axwaasha dacwada iyo dhibaatooyinka ku hareereysan, wuxuuna shiikhu ii muujiyay in ay jirto khatar xagjirnimo oo xawli xoog leh ku socota oo culimada lala maagan yahay. Koleey nin wax og buu ahaa laakiin wanaaga, afgaabnimada, degenaanta iyo cilmiga ilaahay siiyay ee lagu yiqiin ayuu wax badan ka afgobaadsanayay.Wali waxaanan ilaawi karin saacadahaas wanaagsanaa oo aan wada joognay goobta  Suuq safa loo yaqaan ee Magaalada Makka.

Anigu sidaa beeshu bayaanka ku soo saartay ayaan u arkayay in  eedeyntii markiiba laga soo saaray dilka shiikha ay ahayd mid lagu degdegay, waayo sida nidaamka baaritaanka lagu yaqaanba, marka arimahan oo kale ay dhacaan lagama hordago oo waxay carqaladeyn kartaa howsha baaritaanka. Haddana culimdeena sharfta iyo qadarinta mudan waxaan ugu cudurdaaray, iyagoo wax badan ogaa,howshana ay muddo afkooda ka gaabsanayeen, wax badana ay xeerinayeen,  arinkuna uu naxdin iyo fajac adag ku reebay, xaaladuna ay markaan soo gaartay meel aan qofka ku simayn inuu in badan sii aamusnaado.

Hadda iyo dan Alshabaab mid baan ku leeyahay : Waxaa la joogaa xilligii kala baxa iyo kitaabka, waa in sida ay beeshu sheegtay jawaab cad laga soo bixiyaa, kolleey qolada howsha lagu eedeeyayna marka la eego qaraa’inta loo hayo, waaqica gudaha Soomaaliya ka jira iyo arimihii dilkaan oo kale ahaa ee hore u dhacay, waa rag lagu yaqaano howlahaas.Markaa waxaan leeyahay war hal doorka umadda oo lagu laayaa fikradayda maxay u raaci waayeen guul laguma gaaro, halgan haddii aad ku jirto oo wanaag
sheeganaysana meel ku gaari maysid. Waxaa la joogaa xilligii ama ay wada caddaysan laaheeyeen in dulmigaas ay ku  wada jiraan ama ay ka bari noqon lahayeen cidda arimahaas ku caan noqotay. Waayo sida Nabiguba sheegay ” Qofka Muslimka ahi diintiisu wanaag iyo fusxa ka suulimayso, intaanu dhiig muslim  gelin”, maxaadba u malayn haddii  dadka la xalaalaystay dhiigooda ay yihiin Culimadii iyo haldoorkii umadda.

Culimadeena sharafta iyo qadarinta mudana mid baan leeyahay:

Kolleey iyadoo aanay ahayn arin haboon ama dow ah inaan culimadeena  wax u sheego, haddana ”Al-diinu NaSeexa” : Waxaan ku talin lahaa in barnaamij istraatijyad dheer ah oo aan laablakac iyo aragti shakhsiyadeed ku dhisnayn oo loo wada dhan yahay laga soo saaro sidii loola tacaamuli lahaa qadiyada Soomaaliyeed oo meel adag ku sii socota, gaar ahaan arinta hadda taagan ee ah ”xag-jirnimda gurracan ee soo kordhaysa”, taasoo lagu saleeyay qaacido baryahan soo baxaday oo oranaysa ”Al-qaatilu mujaahid wal maqtuulu shahiid”!! Haddii aan wax cad laga soo saarin arintaasna waxaa dhici karta in cawaaqib xumada ka dhalata ay meel aan wax ka qabad lahayn gaarto. In badan oo bayaano laga sii daayaa warbaahinta ( waxa ka dhalan karaana aan laga wada dheregsanayn ama isku meel laga taagnayn)  waxaad moodaa in ay sababai karaan jahwareer iyo qulub qnnaaska ka jira ee haysta xaaladda Soomaaliyeed.

Ragga wadaada ah ee Alshabaab la joogana mid baan leeyahay:

Kolleey anigoo aan cidna magacaabayn, haddana waxan aaminsanahay in rag badan oo wadaadadaas ah ( oo qaarkood sida aan ku aqiin intii ay yurubtan joogeen) ay yihiin rag wanaag iyo deganaan lagu yiqiin, waxa howshaan u geeyayna ay tahay daacadnimo iyo diin jacayl. Laakiin su’aashu waxay tahay illaa goorma ayaad ku baraarugaysaan dabamaryaynta iyo muruq-muruqda la idinka hoos wado ?! . Waxaana arin ugu xun danbi aadan gelin afkaaga ha lagu xalaalsado, adigoo laga yaabo in markaad hadlaysid niyad wanaag iyo xamaasadi ku qaaday. laakiin nin ujeedo gurracan wataa uu kaa faa’iidaysto oo wax ku kharribo. Haddaba waxaan leeyahay waa xilligii kala baxa, oo qirta dilka Diktoorka iyo raggii kale ee ka horeeyayba, ama ka bari noqda falalka noocaas oo kale ah, waxna ka qabta dadka wada.. Haddii aanadse waxba ka qaban karin howshaas ( waana sida loo badinayo,waaqica gudahana laga soo sheegayee) yaan lagu isticmaalin oo denbi aadan lahayn lagugu tirtirin, ama daaha boorka ka jaftoo waxaad tiraahdaan : howshaas annagaa wax ka og kana raalli ah, markaa xaalku waa kala caddaan doonaa.

Ragga wax qoraa iyo bogaga internetkaba waxaan ku  oran lahaa :

Intii uu dhacay dilkii DR sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan ( allaha u Naxariistee) aad baan ula socday maqaalada la qorayay, kuwaasoo lagu soo daabacay bogaga internetka. Intii maqaal la qoray waxaa igula wanaagsanaa 2 maqaal oo ay kala qoreen Sheekh Axmed C/samad iyo  Dr Saadiq Eenow. Waxaana ay labaduba ku salaysnaayeen qaabka shareecada iyo kii saxaafadda oo wada jira. Hase yeeshee indhahaygu waxay qabteen kuwo badan oo arinka dilka dhaleecaynayay iyo kuwo lagu soo qoray bogaga taabacsan al-shabaab oo labaduba aad isleedahay cadaaladii wax qoraalka waa ay ka fogaayeen. Raggaas waxaan oran lahaa : ogaada wax kasta oo aad qortaan ama ku hadashaan waa wax kaa haraya oo aan sinnaba ku tirtirmayn, taariikhdana geli doona (Dr. Googlaanba ku ilaawayn oo wax walba kuu keydin doona), horena soomaali waxay u tiri : rag iska dhici iyo rabbi ka cabso mel ma wada galaan”, markaa qof walboow intaadan qof kale oo muslin ah ku been abuuran, kuna xadgudbin amaba naqdintiis ku talax tagain waxa aad qorayso ka fiirso, kana baaraan deg. Iskana ilaali inaad markaad wax qorayso
deg degto, caadifaduna kula tagto, waayo labadaasi shey waa kuwa ugu daran ee kaa kharibi kara ujeedadaadi ahayd wax sixitaanka. Qoraaguna waa inuu diiradda saaraa sidii uu wax ku islaaxin laha ee ma ahan inuu sii kordhiyo fitnada oo batroolkii daatay oo kabriidka qabadsiiyo.

Ugu danbeyntii waxaan leeyahay wuxuu ilaahay aqbalay  ducadii umadda soomaaliyeed ee muslimka ah ee ka dhiidhiday dilkii Sheekh axmed Allaha u naxariistee, Sheekhuna wuxuu ahaa halyey ummadda Soomaaliyeed la dhaafiyay,laakiin sidii horeba loo sheegay aan Allaah ka rajaynayo in waayistaas la waayay nimcada ka dhalataa ay noqoto in xaqa iyo baadilku kala cadaadaan, taasoo isagana u noqon doonta mid qiime, ajar iyo wanaagba u kordhisa, Ilaahayna waxaan leenahay ” Alloow musiibada nagu dhacday naga ajarsii oo wax ka khayr badan noogu bedel”

Abdirazak Sugulle Mohamed

Abdirazaks@hotmail.com

4 comments on “Waa xilligii kala baxa Abdirazak Sugulle Mohamed

  1. Abuu caa isha on said:

    Mr sugulle allaha ku barakeeyo soo jeedintaadina waad kumahadsantahay

  2. abdirahmaan on said:

    As.. khayr allaha ku siiyo walaal.. waanan kula qabaa fikradaas danbe ee ah in qolo walbaa ay is ilaaliso oo aan la isku xadgudbin.. xitaa ragga qaarkood ee wax qoraya waxaad moodaa in islaaxin aysan ahayn ee nacayb dad gaara ah uu ku jiro. Hadda waad aragtaan ceebta iyo been abuurka ay memo iyo midnnimo ku dhaceen… markaa wadaado badana waxaan uga digayaa sidaa iyo si la mid ah in aysan ku dhicin.. Fikirka qalloocan ee inxiraafay ha la muujiyo, laakiin yaan quluwi lagi dhicin.
    Sh.Sugulle khayr allaha siiyo si wacan buu u kala dhigdhigay

  3. Kheyr badan Allaha kaa siiyo walal qormadaadaan , annagana ilaahay xaqqa hanawada waafajiyo .

  4. waxaa ilaah mahadiisa in la fahmay shayaadiintii kadanbaysay dilkii DR axmad xaaji cabdiraxmaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,452 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>