Wafdi uu hoggaaminayo Raisul wasaaraha DFKM oo soo gaaray Qardho
December 27, 2011 - Written byQardho:-Wafdi uu hoggaaminayo Raisulwasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa saaka gaaray degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Wafdiga uu hogaaminayo Raisulwasaare Gaas ayaa saaka ka soo ambabaxay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo uu ku sugnaa mudooyinkan wafdiga Raisulwasaare Gaas ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiirro ka tirsan golaha xukuumadda DFKM
Maamulka degmada Qardho iyo dadweyne aad u faro badan ayaa wafdiga kaga hortagay meel ka baxsan Degmada Qardho iyagoo wata calamada Soomaaliya iyo caleemo qoyan Raisulwasaaraha DFKM iyo Madaxweynaha Puntland ayaa la kulmi doona maamulka degmada Qardho iyo waxgaradka Ismida gobalka Karkaar.
Wafdiga Raisulwasaare Gaas ayaa sidoo kale socdaal ku tagi doona magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,waxaana uu ku sii hakan doonaa degmada Carmo si uu u kormeero kuliyada tababarka ciidanka Booliska Puntland
Wixii warar iyo sawiro soo kordha kala soco Halgan.net
M_M Deeq
Halgan.net