Wafdi uu hoggaaminayo Raisul wasaaraha DFKM oo soo gaaray Qardho

December 27, 2011 - Written by

Qardho:-Wafdi uu hoggaaminayo Raisulwasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole  ayaa saaka gaaray degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Wafdiga uu hogaaminayo Raisulwasaare Gaas ayaa  saaka ka soo ambabaxay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo uu ku sugnaa mudooyinkan wafdiga Raisulwasaare Gaas ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiirro ka tirsan golaha xukuumadda DFKM

Maamulka degmada Qardho iyo dadweyne aad u faro badan ayaa wafdiga kaga hortagay meel ka baxsan Degmada Qardho iyagoo wata calamada Soomaaliya iyo caleemo qoyan Raisulwasaaraha DFKM iyo Madaxweynaha Puntland ayaa la kulmi doona maamulka degmada Qardho iyo waxgaradka Ismida gobalka Karkaar.

Wafdiga Raisulwasaare Gaas ayaa sidoo kale socdaal ku tagi doona magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,waxaana uu ku sii hakan doonaa degmada Carmo si uu u kormeero kuliyada tababarka ciidanka Booliska Puntland

Wixii warar iyo sawiro soo kordha kala soco Halgan.net

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online