Xajirnimada Diineed iyo Khatarta ay Ummada u Leedahay – 2aad

December 26, 2011 - Written by

Qeybtii koowaad ee maqaalkan waxaan kaga hadalnay hordhac kooban oo ku saabsan xagjini mada iyo khatarteeda. Waxaan sidoo kale soo qeexnay xagjirnimada iyo noocyadeeda kala duwan. Waxaan si gaar ah u tilmaamnay in xoogga saarayno darafka xadgudubka. Taas macnaheedu ma aha in aan sahlanayno darafka gaboodfalka, laakiin khatarta tooska ah ee uu Ummadda oo dhan ay u leeyahay xagjirnamada nooceeda xadgudubka darteed ayaan xoogga u saaraynaa xilligan. Waa laga yaabaa in aan u soo noqono darafka gaboodfalka mar kale haddii Rabbi idmo si suuradda xagjirnamamdu u dhamaystiranto.

Waxaa xusid muddan in walaalaha qaarkood ka biyo diideen ereyga

xagjirnimo in uu ka haboonaan lahaa erayga xadgudub. Run ahaantii luqo ahaan xagnirjimadu waxay kulminaysaa labada daraf ee gaboodfalka iyo xadgudubka halka xadgudubku uu tilmaamayo darafka tashadudka keliya – ku noqono qeexidii ay qormadii hore kaga hadalnay. Culimo dhowr ah ayaa kutub ka aliftay mowduucaan canaawiinta aysiiyeen kutubtooduna ay wadato ereyga xagjirnimo. Mar haddii aan qeexnay macnaha erayga iyo waxa aan ula jeedo isticmaalkiisu eed ma leh.

Xagjirnimada diineed iyo khatarta ay ummada u Leedahay. qaybta 2aad

Maqaalkii Koowaad Hoos ka akhriso:- Xajirnimada Diineed iyo Khatarta ay Ummada u Leedahay

W/Q  Dr. Maxamuud C/Raxmaan
Al-Madiinah Al-Munawarah
ilaak@hotmail.com

 

3 Comments so far

Leave a comment

  1. asc Waa moduuc u baahan ka hadal iyo baraarujin,professorsh hoori waa dadka ugu haboon in ay ka hadlaan,jasakal khayra.

  2. Jazaakallaahu kheyral jazaa akhuunaa wa shaykhanaa Dr.Sh.Maxamud C/raxmaan Ilaaq(Hoori). Ilaahay waxaan kaaga rajaynayaa inuu wanaag kugu abaal mariyo difaaca aad difaacayso manhajka saxiixaa iyo Culumadeena kusoo ciroobay walina u taagan dacwada. Walaal dadaalka wada waa arin maanta ugub nagu ah annaga ka soomaali ahaan haba ahaato arin ku sugan sooyaalka Islaamka. Ilaahy Musiibo haku rido kuwa Culumadeena dhibta la doonaya oo hanaga qabto sharkoodo waayo waxay rabaan inay juhalo isu harto markaasna Mujtamacu dhumo. Nas Allullaaha Salaama, Ilaahow Culumada noo xifdi cilmigoodan nagu anfac, ajarkoodana waynee annaga iyo ayakana ku kulmi janatul firdows al aclaa,aamiin.

  3. Asallaamu Calaykum

    Aad iyo aad ayuu u mahadsan yahay Sheikh Dr maxamuud xaaji C/maan sida ay aqoonta iyo geesinimadu ku dheehan tahay ee uu u dhiibtay fikarkiisa ku salaysan cilmiga oo anay marnaba ka muuqan caadifada Sheikh waxuu ka mid yahay culimada kuwa ugu aqoonta badan balse sabarka badan waxaan qabaa in maanta culimada loo duceeyo laguna garab istaago badbaada umada iyo iftiiminta xaqa.

Leave a comment

*