Xilibaan ka tirsan Golaha baarlamaanka DFKM oo lagu dhaaway Muqdisho

December 26, 2011 - Written by

Xilibaan ka tirsan Golaha baarlamaanka DFKM ayaa saaka lagu dhaawacay magaalada Muqdisho ka dib markii askari ka tirsan ciidanka DFKM uu rasaas fara badan ku furay xili uu ka soo baxayey gurigiisa oo ku yaal deg mada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.  Xilibaanka la dhaawacay ayaa magaciis lagu  sheegay Xassan Aadan Aalbaro.

Xilibaan Xassan Aadan Aalbaro  ayaa waxaa ay rasaasta uu furay askariga ka tirsan DFKM ay ka haleeshay lugaha waxaan xiliga weerar ku uu dhacayey uu ku jiray gaarigiisa , ilaa hadda ma cada sababaha uu askarigaan ka tirsan DFKM uu u doonayey in uu qaarajiyo xilibaanka.

Ciidanka DFKM ayaa ah kuwa inta badan ay ka dhacaan falal iskugu jira boob,dhac  iyo dilal ay mararka qaar kula kacaan dadka shacab ka ah gaar ahaan kuwa barakacayaasha ah ,dilkii ugu danbeeyey ayaa ciidanka DFKM gaar ahaan kuwa la sheegay in ay ilaalo u ahaayeen  guddoomiyaha Gobol ka Banaadir Tarsan waxaa ay dileen Wariye  Xassan Xiis oo ahaa wariye u shaqayn jiray HornCabel Tv.

Ilaa hadda ma jiro war ka soo baxay masuuliyiinta Golaha Baarlamaanka DFKM oo ku saabsan weerarka loo geystay xilibaanka Xassan Aadan Aalbaro iyadoo weli ay taagantay khilaafka u dhexeeya xilibaanada DFKM.

A/Cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online