Yaa dilay Dr. Axmed Xaaji W/Q Dr Sheekh C/risaaq Maxamuud Takar(قال تعالى: (وَمَن يَقْتُلْ مُؤْمِناً مُّتَعَمِّداً فَجَزَآؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِداً فِيهَا وَغَضِبَ اللّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَاباً عَظِيماً)- النساء)
December 5, 2011 - Written byIllaahay ha u naxariisto Dr. Sheekh Axmed Sheekh Cabdiraxmaan, Janatu Al-firdawsna ha geeyo, samir iyo iimaana ha kasiiyo eheladiisa iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed. Bartilmaamaysiga iyo beegsiga bir ma gaydada Soomaaliyeed ee ay ka midka yihiin: Waxgarad ka, Culumada, Ducaada Dhaqaatiirta iyo cuqaashu waa arin qorshaysa. waayahan danbeba waxaa ka dhacayay Wadanka guud ahaan gaar ahaan Puntland dilal qorsheysan iyo falal amaan darri ah.
Yaa dilay Dr Axmed Xaaji: Ma aano qabiilbaa? ma kooxda Al-Shabaab oo beryahanba culuma u dhaaranaysay baa dishay? ma Ashahaado la dirir baa dilay? mase cadow banaanka ka yimid ayaa dilay?!! Xalay wuxuu Sheekhu ka hadlay arrimihii Suuqii ku gubtay magaaladaas, wuxuuna ku booriyey dadkii lahaaa hantidii gubatay in ay ku samraan dhibaatada soo gaartay, isagoo ku baaqay in loo gargaaro walaalihii hantidooda ku waayay musiibadii ka dhacday Suuqii gubtay ee Boosaaso.
In badan ayaa Culumada Rabaaniyiinta ahi ku cel-celiyeen Xurmada Dhiiga qofka Muslimka ah. Waxay Culumaddu cadeeyeen in Allaah Quraanka ku xaaraantimeeyay, Rasuulkuna (SCWS) Axaadiis badan ku sheegay Xurmada iyo sida halista ay u tahay dhiiga qofka Muslimka ah Aduun iyo Aakhiraba.
Sidoo kale waxaa in badan culumadu ka digeen – kuwii hore iyo kuwa hada noolba- khatarta ay leedahay ku deg degida gaalaysiinta muslimiinta, qof caadi ah, ama caalim ah amaba bulsho weyntaba. Waxay culumada Salafku isku raaceen:
)لا يجوز التعجل بتكفير الناس والمجتمع إلا بعداليقين الجازم من وجود أسباب الكفر وموجباته( Quraanka Kariimka ah iyo Sunnada Nabiguna saas ayay na farayaan: قال سبحانه : (يا أيها الذين آمَنوا إذا ضرَبتم في سبيلِاللهِ فتَبَيَّنوا ولا تقولوا لِمن أَلقَى إليكم السلامَ لستَ مؤمِنًاتَبتَغُون عَرَضَ الحياةِ الدنيا فعندَ اللهِ مَغانمُ كثيرةٌ كذلك كنتممِن قبلُ فَمَنَّ اللهُ عليكم فتَبَيَّنوا إن اللهَ كان بما تعملونخبيرًا) (النساء: 94) Ayaadu labo jeer ayay kusoo celcelisay:(فتَبَيَّنوا) Nabiguna (SCWS) kama aqbalin Usaama (RC) cudurdaarkii uu soo qadimay markuu dilay ninkii yiri : إلا اللهلا إله waxuuna ku yiri: ” “هَلاّ شَقَقتَ عن قلبه Aayad kale Alle waxa uu leeyahay: (يا أيها الذين آمَنوا إن جاءكم فاسقٌ بنبأٍفَتَبَيَّنوا أن تُصيبوا قومًا بجَهَالةٍ فتُصبِحوا على ما فعَلتم نادمين(الحجرات: 6) Anaga oo aan garanayn ilaa hada,cidii ka dambeysay dilka Sheekh Axmed, hadana Waxaa wax aad looga xumaado ah, kalmadaha dadka qaarkood culumo sheeganaya ka soo baxaya iyaga oo jahli u gaystay ama aan ka fiirsanayn waxa ka ratibmaya hadalkooda.
Qofka muslimka ah oo la yiraahdo ama lagu eedeeyo: Murdadnimo, ama camiil (jaasuus cadow) macnaheedu waa adiga oo dhiigiisa banaystay ama u fatwooday kuwo maan gab ah. Aduun iyo akkhirana dhiigiisa waa laguu haystaa.Sheekh Axmed Allaha u naxariisto, gacan ka xaq daran ayaa dishay. Wuu soo xajiyay, Salaad subax isagoo jamaaco ku soo tukaday Soomana Attaasuucaa oo ah maalinta ka horaysa Al-Caashuuraa oo ah tobanka SHAHRU LAAHI AL_MUXARAM ayaa la dilay. Khaatimo wanaagsan ayaa Alle u dooray, afkiisa iyo gacantiisuna waa ka nabad galeen fitnada iyo dilka wadanka ka socda.
Sheekha waxaan is moogayn hal Asbuuc, wuxuu aad kulanada guud ahaan iyo gaar ahaanba dadka uu ku guubaabinayay Diinta Alle barshadeeda iyo fidinteeda. Hadalada aanan hilmaamayn ee uu ku celcelinayay waxaa ka mid ahaa: Diinteena iyo dalkeena ayaa loo danleeyahay.
Waxa uu ahaa: Mucalim murabbi ah, Waxa uu ahaa: Daaci fidinta Diinta Alle u taagan, waxa uu ahaa: Muslix ku hagoogta markii fitno soo daahirto, waxa uu ahaa faqiih mufti ah oo u kala cadeeya dadka xalaasha iyo xaaraamta, waxa uu ahaa Aabe ilmihiisa xanaaneeya:(الا شلت يد قاتله).
W/Q Shiikh Dr Cabdirisaaq Maxamuud Takar

.gif)

