Al-Shabaab oo bayaan ka soo saaray garabka Sh Xassan Daahir iyo Ibraahim Miicaad
June 17, 2013 - Written by EditorQoraal lagu daabacay barta Internetka ee lagu magacaabay Aljahad oo inta badan lagu faafiyo qoraalada ururka Al-qaacid ayaa waxaa lagu faafiyey maanta bayaan loo tiiriyey ururka Al-shabaab gaar ahaan hogaankooda sare , bayaanka ayaa waxaaa laguu magac daray “Tani waa Fariin wadareen ku socota Bulshada”
Bayaanka loo tiiriyey hogaanka Sare ee Al-shabaab ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili maalmihii u danbeeyey mareegaha Internetka la soo dhigay Bayaano,qoraalo , Waraysiyo si gaar ah looga cabanayo Hogaamiyaha Ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.
Bayaanaadkii iyo waraysiyadii la soo dhigay baraha internetka ayaa waxaa soo dhigay:-
1-Ibraahim Xaji Jaamac Miicaad (Afgaani)
2-Abu Mansuur Al-amriiki
3-Zubeyr Al-muhaajir
4-Sh Xassan Daahir Aweys
Eedeynaha ay u soo jeediyeen masuuliyiintaan Hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa waxaa ka mid ah:-
1-In isku xukumidii Kitaabka Allaah inay noqotay mid ay ka saramartay kaligii talinimo iyo wadatashi la’aan.
2-Xabsiyo Qarsood ah oo Xarakadu ay leedahay.
3-Hay’adda Garsoorka oo si toos ah uga amar qaadata Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.
4-In qof walba oo isku daya in uu wax saxo loo hanjabo ama lagu tuuro tuhmooyin.
5-Dil joogta ah oo loo geysto dad aan shareecada Islaamka dhiigooda banaynin.
Bayaanka maanta lagu faafiyey barta internetka ee Aljaha loona tiiriyey hogaanka ururka Al-shabaab ayaa sidoo kale waxaa eed culus loogu soo jeediyey qaar ka mid ah masuuliyiinta ururka Al-shabaab ee qoraalo , bayaano iyo waraysiyo ku faafiyey Internetka waxaana lagu eedeeyey.
1-In ay kala dhantaalayaan Midnimada umada iyo wadajirka ururka.
2-Faafin warar aan sal lahayn oo kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka ururka.
3-Suuro xumeyn Mujaahidinta ururka Al-shabaab , madaxdooda iyo Manhajkooda.
4-Faafin siraha Mujaahidiinta Al-shabaab iyagoo gaarsiinay Cadawga islaamka.
5-Isku dir Madaxda Mujaahidiinta iyo shacabka.
6-Dhiiga Mujaahidiinta oo ay banaysteen.
7-Inay ka dhago Adeygeen Markii looga yeeray Maxkamada shareecada ee Ururka.
Halkan Ka Akhriso Bayaanka Lagu faafiyey aljahad maanta oo lagu eedeeyey garabka Sh Xassan Daahir iyo Ibraahim Miicaad ama Halkaan ka akhriso
Halkan ka Akhriso Bayaankii Ibraahim Afgaani
Halkan ka Akhriso Wareysigii Abu Mansuur Al-Amriki
Halkan ka Akhriso Qoraalkii Zubeyr Al Muhaajiri
Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedkii Sheekh Daahir Aweys.
Halkan ka Akhriso Fatwo laga soo saaray isku daygii lagu khaarajin lahaa Abu Mansuur Al-amriki
Source Aljahad
Halgan.net