Al-Shabaab oo bayaan ka soo saaray garabka Sh Xassan Daahir iyo Ibraahim Miicaad

June 17, 2013 - Written by Editor

logo-alshabaabQoraal lagu daabacay barta Internetka ee lagu magacaabay Aljahad oo inta badan lagu faafiyo qoraalada ururka Al-qaacid ayaa waxaa lagu faafiyey maanta bayaan loo tiiriyey ururka Al-shabaab gaar ahaan hogaankooda sare  , bayaanka ayaa waxaaa laguu magac daray  “Tani waa Fariin wadareen ku socota Bulshada”              

Bayaanka loo tiiriyey hogaanka Sare ee Al-shabaab  ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili maalmihii u danbeeyey mareegaha Internetka  la soo dhigay Bayaano,qoraalo , Waraysiyo si gaar ah looga cabanayo Hogaamiyaha Ururka  Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Bayaanaadkii iyo waraysiyadii la soo dhigay baraha internetka ayaa waxaa soo dhigay:-

1-Ibraahim Xaji Jaamac Miicaad (Afgaani)
2-Abu Mansuur Al-amriiki
3-Zubeyr Al-muhaajir
4-Sh  Xassan Daahir Aweys

Eedeynaha ay u soo jeediyeen  masuuliyiintaan  Hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa waxaa ka mid ah:-

1-In isku xukumidii Kitaabka Allaah inay noqotay mid ay ka saramartay kaligii talinimo iyo wadatashi la’aan.

2-Xabsiyo Qarsood ah oo Xarakadu ay leedahay.

3-Hay’adda Garsoorka  oo si toos ah uga amar qaadata Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

4-In qof walba oo isku daya in uu wax saxo  loo hanjabo ama lagu tuuro tuhmooyin.

5-Dil joogta ah oo loo geysto dad aan shareecada Islaamka dhiigooda  banaynin.

Bayaanka maanta lagu faafiyey barta internetka ee Aljaha loona tiiriyey hogaanka ururka Al-shabaab ayaa sidoo kale waxaa eed culus loogu soo jeediyey  qaar ka mid ah masuuliyiinta ururka Al-shabaab ee  qoraalo , bayaano iyo waraysiyo ku faafiyey  Internetka  waxaana lagu eedeeyey.

1-In ay kala dhantaalayaan Midnimada umada  iyo wadajirka ururka.

2-Faafin warar aan sal lahayn  oo kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka  ururka.

3-Suuro xumeyn  Mujaahidinta ururka Al-shabaab , madaxdooda iyo Manhajkooda.

4-Faafin siraha  Mujaahidiinta Al-shabaab iyagoo gaarsiinay Cadawga islaamka.

5-Isku dir Madaxda Mujaahidiinta iyo shacabka.

6-Dhiiga Mujaahidiinta  oo ay banaysteen.

7-Inay ka dhago Adeygeen Markii looga yeeray Maxkamada shareecada ee Ururka.

Halkan Ka Akhriso Bayaanka Lagu faafiyey aljahad maanta oo lagu eedeeyey garabka Sh Xassan Daahir iyo Ibraahim Miicaad   ama Halkaan ka akhriso

Halkan ka Akhriso Bayaankii Ibraahim Afgaani

Halkan ka Akhriso Wareysigii Abu Mansuur Al-Amriki

Halkan ka Akhriso Qoraalkii Zubeyr Al Muhaajiri

Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedkii Sheekh Daahir Aweys.

Halkan ka Akhriso Fatwo laga soo saaray isku daygii lagu khaarajin lahaa Abu Mansuur Al-amriki

Source Aljahad
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online