Afhayeenka Maamulka KMG ee Jubba oo ka hadlay amaanka Kismaayo

February 10, 2014 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Afhayeenka Maamulka KMG ee Jubba C/naasir Seeraar Maax ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dilalka qorsheysan ee maalmahan dambe ka dhacaye Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose. C/naasir Seeraar Maax Afhayeenka Maamulka KMG ee Jubba  ayaa u sheegay warbaahinta in amaanka guud ee magaalada Kismaayo uu yahay mid wanaagsan oo ay gacanta ku hayaan ciidanka Maamulka Jubba waxaana uu sheegay in ciidankooda ay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiigle dilay askari ka tirsan ciidanka Juba.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxaa ka dhacay dilal qorsheyn iyo kuwa salka ku haya aano qabiil waxaana socda howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo oo ay wadaan ciidanka maamulka KMG ee Juba. Howl galada ay wadaan ciidanka amaanka ee Maamulka KMG ee Jubba ayaa waxaa lagu soo qabtay dhowr qof oo looga shakisan yahay in ay wax u dhimayeen amaanka magaalada Kismaayo.

Cabdi Yare
Kisdmaayo

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online