Amiirka Jabhada Nusra Abu Maxamed oo hanjabaad u diray Daacish(Dhageyso)

February 25, 2014 - Written by Editor

SuuriSuuriya:-Hogaamiyaha Jabhadda Nusra ee Suuriya Maxamed Jowlaani ayaa waxaa uu markii ugu horaysay uu ka hadlay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Sheekh. Abu Khaled Al-Suuri isagoo ka sheekeeyey in Sheekh Abu Khaled Al-Suuri uu ahaa shaqsi inta badan raadiya Maslaxada kana fogaada isku dhaca iyo khilaafka. Hogaamiyaha Jabhadda Nusra ee Suuriya Maxamed Jowlaani ayaa wax aan jirin ku til maamay in dalka Suuriya ay ka jiraan Saxawaat ama ciidamo la dagaalamaya kooxaha dagaalka kula jira dowladda Suuriya balse ay jiraan ciidamo u dagaalamaya wadaniya.

Hogaamiyaha Jabhadda Nusra ee Suuriya Maxamed Jowlaani ayaa ugu baaqay Jabahadda Islaamiga iyo Shaam in ay u hogaansamaan in lagu kala baxo Shareecadda Islaamka haddii aysan arrinkaas uga soo jawaabin mudo 5 cisho ah in talaabo qaadi doonaa Jabhadda Nusra maadaam mudo sanad ah ay ugu sabreen dhibaato badan oo ay geysteen Kooxda Jabahada Islaamiga iyo Shaaam.

Hogaamiyaha Jabahada Nusra Abu Maxamed Al-Jowlaani ayaa ugu baaqay kooxda Daacish in ay joojiyaan fataawaha ay ku gaaleysiinayaa kooxaha Mujaahidiinta ayna la yimaadaa wixii adila ah iyaga oo u gudbinaya wixii ay ka qabaan kooxaha Mujaahidiinta Sh Abu Maxamed Al-Maqdasi,Abu Qataada Al-Falastiin iyo Sh Suleymaan Calwaan.

Kooxda Daacish ayaa horey u diiday talooyinkii ay soo jeediyeen wadaadii taageersanaa Al-Qacida ee maaro looga waayey gaaleysiinta iyo dhiiga Muslimiinta  iyaga oo in badan ku tilmaami jiray culumada culumaa’ suu iyo hadalo ka xun bal ay qaarkood gaaleysiiyeen culumo waaweyn ee caalamka maantana godkoodii ayaa biyo ugu soo galeen. Halkaan ka akri Daacish oo diiday dhamaan Talooyiinkii culumada Islaamka (Akhriso)

Hoos ka Dhagayso farinta uu Hogaamiyaha Jabhadda Nusra ee Suuriya Maxamed Jowlaani u diray Jabhadda Islaamiga iyo Shaam

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online