Ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada gobalada dalka
February 15, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ka imanaya gobolada Bay ,Bakool ,Galgaduud iyo Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dalka Itoobiya oo huwan astaanta AMISOM ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan gobolada Bay ,Bakool , Hiiraan iyo Galgaduud.
Ciidamada Itoobiya ee dhawaan ka mid noqday AMISOM ayaa soo buuxdhaafiyey gobolada Bay ,Bakool ,Galgaduud iyo Hiiraan iyaga oo ay la socdaan ciidamo ka tirsan DFS waxaana ay wadaan duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab
Kolonyo ciidamada Itoobiya ayaa waxaa lagu arkay iyaga oo soo buuxdhaafiyey gobolada Bay ,Bakool waxana ciidamada Itoobiya ay soo gaareen degmooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale iyaga oo ku faafay deegaano ka tirsan Bardaale .
Dhanka gobalka Galgaduud ayaa waxaa ay ciidamada Itoobiya ay soo buuxdhaafiyeen magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud iyaga oo halkaas kulamo kula yeeshay maamulka gobalka Galgaduud.
Sidoo kale gobalka Hiiraan ayaa waxaa soo galay ciidamo ka tirsan Itoobiya oo ku biiray dhawaan kuwa AMISOM waxaana ay haatan ku sugan yihiin duleedka magaalada B/weyne waxaana xiisad iyo diyaargarow laga dareemayaa gobalka Hiiraan.
Ra’iisal wasaaraha DFS iyo madaxada dalka Itoobiya ayaa waxaa ay kala saxiixdeen heshiis dhanka ganacsiga iyo amaanka.Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu diyaargarow ka wadaa degmooyinka Waajid iyo Diinsoor ,Xudur,buulabarde iyo Ceelbuur.
Xaalada ay gashay dalka Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Itoobiya ayaa sii fogeyn doona xaalada dalka Soomaaliya xalkana waxaa uu ku jiraa in Soomaaliya heshiiso si cadowgooda uusan uga faa,ideysan.
A/Cawale
Halgan.net