Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Hiiraan oo si rasmi ah ugu biiray ciidamada AMISOM

February 17, 2014 - Written by Editor

DCIM100MEDIAHiiraan:-Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dalka Itoobiya ee ku sugan B/weyne ay maanta si rasmi ah ugu biireen ciidamada AMISOM waxaana halkaas loogu sameeyey xaflada iyada oo loo qeybiyey dareyska iyo astaanta ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM xafladda ayaa waxaa ay ka dhacaday jaamacadda Hiiraan ee duleedka bari ee magaalada Beledweyne .

Xaflada loo sameeyey ciidamada Itoobiya ee ku biiray kuwa AMISOM ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOMwaxaa halkaas khudbad ka jeediyey Taliyaha ciidanka AMISOM ee gobalka Hiiraan Col.Cabdiraxmaan Cabdi waxaana uu soo dhaweeyey ciidamada Itoobiya ee ku biiray AMISOM isaga oo sheegay in ciidamada AMISOM ay duulaan ku qaadi doonaan deegaanada ay ka joogaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Ku simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Sanbuur ayaa isana goobta ka hadlay wuxuuna ka codsaday ciidamada AMISOM iyo DFS in la qalabeeyo ciidamada DFS ee ku sugan gobalka Hiiraan.Waxaa kale oo goobta ka hadlay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ee dhawaan ku biiray kuwa AMISOM wuxuuna sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ciidankiisa uu ku biiro AMISOM wuxuuna sheegay in dhawaan ay howlgalo ka bilaabi doonaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud isaga oo ka codsaday shacabka gobalka Hiiraan in ay taageeraan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online