Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud

February 13, 2014 - Written by Editor

ItoobiyaGuriceel:-Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaan ku biiray ciidanka AMISOM ayaa xalay gaaray degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Gal-guduud waxaana ay xarumo ka sameysteen gudaha degmada iyo duleedkeeda .Ciidamada gaaray xalay degmada Dhuuso mareeb ayaa waxay kulamo kala duwan la qaateen Ahlusuna (Suufiyada) waxayna ka wada hadleen qaabkii ururka Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobalka Galgaduud.

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa waxay horey u soo mareen degmada Guriceel ee gobolka Gal- gaduud, halkaas oo kulamo kala duwan ay la soo qaateen. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo shalay shir jaraa,id ku qabtay magaalada Adis Ababa ayaa sheegay in Al-shabaab ay meel walba kula dagaalami doonaan .

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in dowladdiisa ay aad ugu faraxsan tahay in ciidamadooda ay ku biiraan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kuwaas oo ka wada Soomaaliya howlgalo ay ku taageerayaan dowladda federaalka ee Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online