Ciidamo Itoobiyaan oo dhaqdhaqaaq ka wada xuudaha ay la wadaagaan Puntland

February 17, 2014 - Written by Editor

ciidamada_ItoobiyaGaalkacyo:-Ilo wareed lagu kalsoon yahay ooo la soo xiriiray Halgan.net ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidanka Itoobiya ay soo buuxdhaafiyeen xuduudaha ay la wadaagaan deegaanada Puntland ka dib markii uu kulan ka dhacay saaka deegaanka Degmada Wardheer.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ay ku andacoonayaan in ay xuduudaha ay la wadaagaan  Puntland ay ka xirayaan in ciidamada Al-shabaab si aysan ugu talaabin deegaanada Puntland  iyo S/land .

Kulan maanta ka dhacay deeganka Wardheer oo ay isigu yimaadeen waxgaradka ,Maamulka Degmada Wardheer  iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya waxaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa amaanka iyo xududaha ay Itoobiya la wadaagto Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Wardheer oo goobta ka hadlay ayaa sheegay ujeedada kulanka maanta in uu ahaa sidii la isaga kaaashan lahaa la dagaalka Al-Shabaab waxaana uu sheegay in Puntland iyo S/land ay ka dhexeeyaan xiriir kala duwan.

Dowlada Itoobiya ayaa waxaa la soo darsay walaac ay ka dib markii ay ciidamo ka tirsan Itoobiya ay ku biireen ciidamada Midowaga Afrika ee AMISOM waxaana ay ka cabsi qabaan in lagu qaado weerardii ka dhacay dalka Kenya mid la mid ah .

Ciidamada Itoobiya ayaa horey u soo galay deegaano ka tisan Puntland waagii Midowga Maxaakimta Islaamka ay duulaan ku soo qaadeen deegaano ka tirsan Gobalka Mudug .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online