Ciidamo ka tirsan AMISOM oo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

February 15, 2014 - Written by Editor

ItoobiyaHiiraan:-Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Maamulka gobalka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM,

Ku-simaha guddoomiyaha degmada Beledweyne ahna guddoomiye ku-xigeenka dhanka maaliyadda Bashiir Xuseen Dhoorre oo saaka la hadlay warbaahinta ayaa u xaqiijiyey in ciidamo ka tirsan AMISOM ay shalay galinkii danbe soo gaareen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan..

Maamulka gobalka Hiiraan iyo saraakiisha AMISOM ayaa kulan ku yeeshay deegaanka Ceel-gaal oo 12 km dhanka waqooyi kaga beegan Beledweyne inta aysan soo galin magaaalda B/weyne waxaana ay ka wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa howlgalo ka dhan ah ciidamada Al-Shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan.

Raisulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in dowladdiisa ay meel walba kula dagaalami doonto kooxda Al-Shabaab wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in ciidamadooda ay ku biiraan ciidamada Middowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Halkan ka Daawo Masawirada ciidamada Itoobiya ee soo galay magaalada B/weyne  oo lagu faafiyey Mareegta AMISOM

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online