Ciidamo ka tirsan dalka Itoobiya oo soo gaaray Degmada Guriceel.
February 12, 2014 - Written by EditorGuriceel:-Wararka aan saaka ka helayno Degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dalka Itoobiya oo ay dhawaan ciidamadoodu ay ku biireen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay soo gareen Degmada Guriceel waxaana ay kulamo kala duwan ay la yeesheen masuuliinta kooxda la baxday Ahlu Suna ee Suufiyada ah.
Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobalka Galgaduud kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada Itoobiya ee soo gaaray Degmada Guriceel ayaa waxay ku labisan yihiin astaanta ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Guddoomiyaha degmada Guriceel, Cismaan Ciise (Taar-dhuleed) ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidamo ka tirsan Itoobiya oo ku howlgali doona magaca AMISOM ay soo gaareen Degmada Guriceel wuxuuna sheegay in dhawaan ay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ay bilaabi doonaan.
Ciidamo ka tirsan dalka Itoobiya ayaa ilaa shalay waxay ciidamo tiro badan oo ku labisan astaanta AMISOM soo galiyeen gobalada Galgaduud,Bay ,Bakool iyo Gedo iyaga oo qeyb ka noqon doona howlgalo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ay wadaan saraakiisha ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS.
A/Cawale
Halgan.net