Culimada Muassasada Tawxiid ee magaalada Kampala oo socdaal ku tagay xerada qoxootiga ee Nakafaali (Masawiro)

February 12, 2014 - Written by Editor

photo 5Kampala:-Culimada Muassasada Tawxiid ee magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha kampala ayaa socdaal dacwadeed ku gaadhay xerada qoxootiga Nakafaali iyadoo ay culimadu ay lixdii biloodba ay ku gaadhaan socdaal dacwadeed oo ay kusoo baraarujiyaan bulshada soomaaliyeed ee ku nool xerada iyadoo xerda qoxootiga nakafaali ay ujirto magaalada kampala qiyaastii 400km ayna kunoolyihiin 6000 oo qoys oo soomaali ah.

Soomaalida ku jirta xerada qoxootiga ee Nakafaali ayaa waxaa ku weheliya qowmiyada kale sida Burindi ,Congo Itoobiya ,eratareeya ,South Sudan qowmiyadahaas ayaa ku jira muslimiin guud ahaan culimada waxay lakulmeen bulshada Nakafaali qeebaheeda kala duwan sida cummintyga soomaalida sidda ducaada odayaasha haweenka dhalinyarada iyadoo au culimada ay ka jeediyeen muxaadarooyin kala duwan .

Culumada ayaa waxaa ay muxaadarooyin kala duwan ka jeediyeen Masjidka Al- Aqsaa oo hoos yimaada Mussasada dacwada ee tawxiid kaasoo ay gacanta ku hayaan ducaada soomaaliyeed ee xerada qoxootiga Nekafaali.

no images were found

Intaas ka dib ayaa culumada waxay kulumo iyo fadhiyo dacwadeed la yeesheen ducaada iyo waxgaradka ku sugan xerada qoxootiga ee Nakafaali waxayna warbixino ka dhageysteen culimada Muassasada tawxiid ducaadii nakafaali iyadoo halkaa ay kusoo gudbiyeen warbixino xagga waxbarashada iyo dacwada guud ee xerada qoxootiga Nakafaali.

Xerada qoxootiga ee Nakafaali ayaa waxaa ka furan ilaa 4madaraso oo lagu barto shareecada islaamka waxaana dhigta ilaa 150 arday .Culumada socdaalka dacwo ku tagay xerada qoxootiga ee Nakafaali ayaa dhagax dhigay madaraso cusub oo lagu magacaabo Madarasat Al-Tawxid.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku jira xerada qoxootiga ee Nakafaali ayaa aad ugu riyaaqay booqashada culumada ay ku tageen xerada Nakafaali.

Culumada Socdaalka ku tagatay xerada Nakafaali ayaa waxaa ay kala yihiin.

1-Sheekh Maxamed Sheekh Abdulwali Abdulaahi
2-Sheekh Ibraahim Xersi Maxamed
3-Sheekh Jaamac Abdiraxmaan Timir
4-Sheekh Aadan Xusen Khaliif
5-Sheekh Axmed Cabdulle Xusen
Abdisamad Hassan Hersi.

darwiishione@gmail,com
Halgan.net
Kampala

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online